Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 6-aad " Colaadiisa Reer Cabdi Siyaad iyo Xildhibaanimadii Cabdiraxman Cali Ciise"

0
Friday July 10, 2020 - 08:12:30 in Warar by Super Admin
  • Visits: 5865
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 6-aad " Colaadiisa Reer Cabdi Siyaad iyo Xildhibaanimadii Cabdiraxman Cali Ciise"

    Qoor Qoor oo dagaal dheer u galay inuusan Nin reer Cabdi Siyaad ah soo galin siyaasadda Somalia ? Waagacusub.com - Hogaamiyahii Ahlusunah Macalin Maxamuud iyo Madaxii Xukumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa Liiskii Xildhibaanadii Galmudug ku soo dera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoor Qoor oo dagaal dheer u galay inuusan Nin reer Cabdi Siyaad ah soo galin siyaasadda Somalia ? Waagacusub.com - Hogaamiyahii Ahlusunah Macalin Maxamuud iyo Madaxii Xukumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa Liiskii Xildhibaanadii Galmudug ku soo deray Cabdiraxmaan Cali Ciise oo u dhashay beesha Reer Cabdi Siyaad, Reer Muse, Farax Saleebaan maadama uu ahaay Aqoonyahan bartay siyaasadda iyo shareecadda Islaamka, kana tirsanaay Jameecadda Ahlusunah.

Axmed Qoor Qoor ayaa markii uu maqlay in Cabdiraxman Cali Ciise lagu deray Liiska Xildhibaanada Ahlusunah hurdo ladi waayay, wuxuuna markiiba u tegay Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.

Qoor Qoor wuxuu ku dooday inuu isaga ka dhashay Beesha Cismaan Muse ee Farax Saleebaan sidaas darteedna uusan Xildhibaan noqon karin nin ku juffo ah laakiin runta waxey aheyd inuu diidanaay inuu Xildhibaan noqdo Aqoonyahan u dhashay reer Cabdi Siyaad.

Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa markii uu Dhuusamareeb tegay ka shaqeeyay in habeenkiiba laga saaro liiska Xildhibaanadda Sheekh Cabdiraxman Cali Ciise, waxaana la faafiyay subaxdii hore si uusan Sheekh Shaakir u diidin in aqoonyahankaas laga bixiyo liiska Xildhibaanadda Ahlusunah.

Qoor Qoor ayaa markii laga saaray liiska Cabdiraxman Cali Ciise wuxuu markiiba la xiriiray Odayaaha Farax isagoo codsaday in Xildhibaanka beesha la siiyo nin Reer Qalaf ah oo la yiraa Cabdi Xasan Cilmi oo loo yaqaan Indhayare kaas oo lagu deray Xildhibaanadda Saleebaan ku metela baarlamaanka Galmudug.

Cabdi Indhayare wuxuu ahaay Nin reer Miyi ah oo deganaan jiray Wed Gelinsoor.waxaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaay shaqsiyaadkii ka shaqeeyay in lagu dagaalo Gelinsoor oo ay ka guuraan shacabkii beesha Saleebaan Habargidir.Wuxuu ka qeybqaatay dagaaladii Sacad iyo Saleebaan . waxey xabad uga dhacday Isha.

Wuxuu xilliyadii dambe ka mid ahaay Mooryaan dadka disha, isagoo sidoo kale ka shaqo bilaabay Hay’ado  NGO-yada. wuxuu saaxiib la yahay Axmed Qoor Qoor.



Mahdi Indhayare iyo Maxamed Indhayare oo uu dhalay Cabdi Indhayare waxaa shaqo geeyay Axmed Qoor Qoor ,sida aan ku hubinay baarista Waagacusub Media.

Maxamed Cabdi Indhayare wuxuu ka shaqeeya Wasaaradda Howlaha guud ee Qoor Qoor ka ahaan jiray Wasiiru dowlaha halka uu Mahdi Cabdi Indhayare ka shaqeeya Shirkadda S-Company oo ay leeyihiin rag u dhashay beesha Reer Muse, Reer Cumar, gaar ahaan Cabdikariim,Cali Yare iyo Qoor Qoor laftiisa.

LA SOCO QEYBTA 7-AAD QISOOYINKA QOOR QOOR



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip