Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 1-aad - "Xaaskiisii uu Hinaasaha u furay ee dib u guursaday 5 sano kadib"

0
Wednesday June 24, 2020 - 06:13:15 in Warar by Super Admin
  • Visits: 3555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 1-aad - "Xaaskiisii uu Hinaasaha u furay ee dib u guursaday 5 sano kadib"

    1997 ayuu Axmed Qoor Qoor Dukaan ka furtay Xaafadda Towfiiq kadib markii uu ka tegay istaafnimadii Cabdiwahaab Jiroon iyo Maxamuud Sigane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1997 ayuu Axmed Qoor Qoor Dukaan ka furtay Xaafadda Towfiiq kadib markii uu ka tegay istaafnimadii Cabdiwahaab Jiroon iyo Maxamuud Sigane.

Qoor Qoor wuxuu dukaankiisa ku furtay lacag dhameeyd 10.000$ toban kun oo dollar, waxaa lacagtaas siiyay Xuseen Xalane oo loo yaqaan Xuseen Nirig ahna Maalin taajir Aabahiis.

Lacagta waxaa la siiyay Qoor Qoor kadib markii uu ku guuleeystay dilka nin u dhashay beesha Xawaadle oo Maalin Taajir ay lacag wada dhaceen kaas oo magaciisa la dhihi jiray Carte Cabdi Cilmi.

Muhiimadda qisadu waxey tahay:-

Axmed Qoor Qoor wuxuu qabay gabadh aad u qurux badan oo la yiraa Ayaan maxamed Xuseen rooble Ina Lugeey Geesa dheere.

Gabadhaan oo u dhalatay Saleebaan , Reer Muse, Reer Cumar, Reer Dhoolayare, waxey is arkeen Maxamuud Sigane oo ahaay Laayaan dumar Gaangis ah.

Sigane wuxuu watay gabadhii uu Qoor Qoor qabay kadibna isageey inta badan la joogi jirtay.sida ay xaqiijinayaan dhalinyaradii ay ilaalada wada ahaan jireen.

Axmed Qoor Qoor waa carooday, waa xanaaqay, waxey kala dhinteen Sigane isagoo ku hanjabay inuu dilaa ,oo toogan doono.

Markii dhalinyaradii Saleebaan Habargidir meelkasta ku caayeen Qoor Qoor in naagtiisii laga kaxeeystay ayuu furay laakiin shan sano kadib ayuu ka laabtay isagoo weli qaba.

Ayaan Maxamed Xuseen Rooble Ina Geesa dheere oo Qoor Qoor u dhashay wiil iyo gabadh waxey degan tahay Ingiriiska. waxeyna ka mid tahay afarta Xaas ee Qoor Qoor.

Axmed Qoor Qoor qisooyinka yaabka leh ee soo maray noloshiisa qeybta 2-aad la soco.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip