Akhri Astaamaha Qiyaamaha soo dhawaashaheeda lagu garto"Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda"

0
Sunday May 10, 2020 - 08:05:36 in Warar by Super Admin
  • Visits: 3539
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri Astaamaha Qiyaamaha soo dhawaashaheeda lagu garto"Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda"

    Rasuulkeena Muxamad NNKH wuxuu yiri "Astaamaha lagu garto iney soo dhawaatay Qiyaamaha waxaa ka mida qodobadaan muuqda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasuulkeena Muxamad NNKH wuxuu yiri "Astaamaha lagu garto iney soo dhawaatay Qiyaamaha waxaa ka mida qodobadaan muuqda"

2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda.
(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xushmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.


4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo
5)Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, sida milixda ama cusbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo laxaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo inuu wax ka bedelo.

Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?

Rasuulka CSW ayaa yiri, "Haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto”, isagoo raaciyey
6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah
7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwa caasiyaal ah
8) Kuwa xilalka loo dhiibay ee amaanada lagu aaminayna waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa iney wax khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la Aamini doonaa, halka kan runta sheegayana loo arki doono inuu Beenaale yahay
11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.

12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo
13)Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.
14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxiibadiisa
15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets)
16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda
17) Roobka di' doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.
18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maskiintuna waxay noqon kuwo aan la xushmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka ugu dhow uu mid kasta oran doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faa’ido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof Ilaah u cabanaya ,Subxaanahu watacaalaa.
19)Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xushamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, islamarkaana la argagax geliyey.
20)Shaki la'aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahay ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaan kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir bani’aadam, laakiin quluubtooda waxay noqon quluub sheydaan.
21) Waqtigaasi ragga waxay haweysan doonaan rag kale, haweenkuna waxay sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.
24) Waxayna taasi horseedi doontaa inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan

25)Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.
26) Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya iwm.
27)Minaaradaha masaajidada waxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxay noqon doonaan kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.

28)Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxeey kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan waxaa kale oo ay isticmaali doonaan haragga shabeelka.

29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluusha.
30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa,
31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.
32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.

 33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha
34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo Aalado music ah.
35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda

36)Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay Xajka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal caadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxay u tegi doonaan is tustus.
37)Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka , balse ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.

38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn.
39)Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan,dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.


'Salmaanow!(40) Waxaani oo idil waxay dhici doonaan, mar xushmadii ay suushey,dunuub badanna la geli doono, dadka xuna ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.


41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona caay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada ayaa iyana baahi doonta.


42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
43) Waxaa di'i doona roobab aan watigooda la gaarin.
44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik.
(45) MA jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.


46) Qofka Mu'minka ah xushamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa ,marka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha

Waxaa  AfSomali u turjumay Dahir Alasow.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip