Wax ka ogoow Aas Aaskii Dunida ee todobada Ayaamood iyo Maalintii ruuxda lagu afuufay Nabbi Adam CS ?

0
Friday April 17, 2020 - 17:08:16 in Warar by Super Admin
  • Visits: 2651
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wax ka ogoow Aas Aaskii Dunida ee todobada Ayaamood iyo Maalintii ruuxda lagu afuufay Nabbi Adam CS ?

    Awoodda Alle SWT . Waxaa sugnaatay :- 1-in Maalin Sabti ah la goglay todobadda Arlo ee dhulka. 2- In Maalin Axad ah la taagay todobadda Sammo ee Cirka. 3- In Maalin Isniina Buuraha la saaray dhulka. 4- In Maalin Talaado ah la sameeyay wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Awoodda Alle SWT . Waxaa sugnaatay :- 1-in Maalin Sabti ah la goglay todobadda Arlo ee dhulka. 2- In Maalin Axad ah la taagay todobadda Sammo ee Cirka. 3- In Maalin Isniina Buuraha la saaray dhulka. 4- In Maalin Talaado ah la sameeyay waxkasta oo wax dhiba. 5- In Maalin Arbaco ah Nuurka dunida la daalacay, la iftiinshay aduunka. 6- In Maalin Khamiis ah la Naash Naashay waxkasta awoodda ALLE SWT. 7- In Maalin Jimca ah Ruuxda lagu afuufay NABBI ADAM CS.

Todobadda Samo ee Cirka waxaa ka sareeya Jannadda oo kaliya.

Todobadda Arlo ee dhulkana waxaa ka hooseeya Naarta oo kaliya.

Waxkasta oo wanaagsan waxey ahaadeen kor, Cirka ama samadda

Waxkasta oo xunna waxey ahaadeen hoos, dhulka ama arladda .

Tusaale waxkasta oo wanaagsan, ajar iyo kheyre waxey ahaadeen Samadda, sida Ajarka iyo xasanaadka Salaadda, soonka,sekadda,xajka,sadaqadda. halka macsida,dilka iyo dhagarta oo dhana ay ahaadeen hoos.

Nabigeena Muxamad Nabad iyo naxariis korkiisa ha haatee markii la dheelmiyay wuxuu Samooyinka Cirka kula kulmay Anbiyo badan oo ay ka mid yihiin Nabbi Adam CS oo ku soo dhaweeyay, Nabbi Idiris CS oo la makaniyay iyo Nabbi Ibrahim CS.

Wixii aan qalday waa iga aqoondaro. wixii aan saxana ALLE xagiisa ayey ka ahaadeen.

Ajir iyo xasanaad Allaha idin wada siiyo.

WQ/ Dahir Alasow.

Baraarujinta Jiilka cusub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip