Kalsooni daradda Gabadh qurux badan oo Somalia - By Dahir Alasow

0
Sunday April 22, 2018 - 12:38:01 in Warar by Super Admin
  • Visits: 8385
  • (Rating 2.4/5 Stars) Total Votes: 7
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Kalsooni daradda Gabadh qurux badan oo Somalia - By Dahir Alasow

    ALASOW.NL - Lix jeer ayey dhar bedelatay -seddex jeerna waxeey joojisay muuqaal laga duubay ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ALASOW.NL - Lix jeer ayey dhar bedelatay -seddex jeerna waxeey joojisay muuqaal laga duubay ?

Sida muuqato xanuuno cuqdad nafsiya ayaa ku dhacay oo waxeey ka daahday guurka. waxeey jeceshahay iney u lebisato sida gabdhaha ay ka aragto Tv-yadda ee Caalamka.

inta aan ka marqaati ahay gabadhaas 22-ka sano jirto waxeey aad uga walaacdaa iney gurigeeda ka baxdo iyadoon wejigeeda marin waxa loo yaqaan Make-UP. 

Waxeey soo lebisatay lix jeer iyadoo hadba dhar kii hore ka duwan soo xiraneyso markeey eegto gabdhaha kale sideey u lebisan yihiin.

Wiilashii ka duubaayey Riwaayadda iyadda u xayiran seddex jeer ayey ku celiyeen jilitaankeeda ama sheekadda koow ayey ka soo bilaabeen laakiin saqdhexe mar ay saacadu tahay 2-dii habeenimo ayaa la duubay muuqaalkii u dambeeyay.

Waxeey codsatay in la daawadsiiyo intaan edit lagu bilaabin ka hor, gabdhahii ag fadhiyay oo dhan waxeey ku qanceen habka quruxda badan ee loo duubay laakiin iyadu waxeey ku qeeylisay " WAA MADOOBAHAY, ALLA WAA MADOOBAHAY, GABDHAHA KALE AYAA IGA CAD”

Wiilkii filimka duubay ayaa markiiba delete ku duubtay muuqaalkii, wuxuuna ku yiri  "MADOOWGA WAA QURUXE , FADLAN DHAQTARKA TAG BERRI”

Sheekadaan waxaan u soo qaatay gabdhahii quruxda badnaa ee Soomaaliyeed qaarkood buufis iyo xanuuno kalsooni daro la yiraa baa ku dhacay, waxeey ka faanayaan midabkoodii quruxda badnaa ee Maariinka,waxeeyna raadinayaan midab aan rabbi siin.

Kuwa diidan midabkooda soow maaha kuwa alle ku caasiyay oo leh "ABUURISTAADII BAA XUN OO KUMA QANACSANIN”

Kolleey iyo kolleeyba gabadha aan ka sheekeeynaayey waaba kuwa Midabka quruxda badan leh laakiin iyadaa iimaankii laga saaray fooq dheer.

By Dahir Alasow

[email protected]




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip