Magaca Muse ama Nabbi Muse CS wuxuu illaaheey quraankiisa ku xusay 136 Jeer.

0
Saturday December 16, 2017 - 22:27:16 in Warar by Super Admin
  • Visits: 5173
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 8
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Magaca Muse ama Nabbi Muse CS wuxuu illaaheey quraankiisa ku xusay 136 Jeer.

    Alasow.nl- Kaligii Taliyahii ugu awood badnaay dunida ee ugu xumaay Fircoon ayaa ku riyooday NAAR DAB ka imanaysa dhulka Falastiin oo gubeeysa wax walba. dabkaas wuxuu gubay Masar guud ahaan hantidii reer Fircoon laakiin waxba ma yeelin guryahii iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alasow.nl- Kaligii Taliyahii ugu awood badnaay dunida ee ugu xumaay Fircoon ayaa ku riyooday NAAR DAB ka imanaysa dhulka Falastiin oo gubeeysa wax walba. dabkaas wuxuu gubay Masar guud ahaan hantidii reer Fircoon laakiin waxba ma yeelin guryahii iyo hantidii reer Binu Israa'iil.

Fircoon waxaa ku dhacay hurdo xumo , wuxuu u tegay Sixiroolayaashiisii ,waxeey u sheegeen inuu reer Bini Israa'iil u dhalan doono wiil yar oo Xukunka kala wareegi doona.

Fircoon wuxuu iskuugu yeeray dhamaan Maamulkiisii ,wuxuuna ku amray iney dilaan wiil kasta oo reer Bini Israa'iil u dhasho.

Wasiiradiisa waxeey ku dhaheen Fircoonoow haddii aad disho dhamaan wiilasha Reer Binu Israa'iil yaan adoonsaneynaa.?

Fircoon wuxuu amray in sanad la laayo, sanadna la dhaafo.

Sanadkii la dhaafaayay waxaa dhashay Nabbi Haaruun CS.

Sanadkii la dilaayeyna waxaa dhashay Nabbi Muse CS.

Alle SWT ayaa hooyadda Nabbi Muse ku amray iney Sanduuq ku rido,kuna tuurto badda.

Sanduuqii waxaa helay shaqaalahii Fircoon, waxaa loo geeyay Fircoon. markiiba wuxuu xaqiiqsaday inuu yahay reer Binu israa'iil laakiin ma ogeeyn inuu yahay kii dartiis uu Caruurtii u dhalatay reer Binu Israa'iil u laayey.

Fircoon wuxuu amray in cunuga yar, Nabbi Muse la dilo laakiin xaaskiisa oo naxariis badneed ayaa diiday.

Cunugii yaraay Nabbi Muse waa ooyay gaajo darteed sidaas darteed waxaa loo baahday hooyo nuujiso laakiin dhamaan hooyooyinkii loo keenay waa diiday inuu Naaskooda cabbo.

Ugu dambeyn hooyadiis ayaa loo geeyay ,inkastoon la aqoon, hooyaddu markeey aragtay wiilkeeda iney ooyso ayey ku dhawaatay.

Nabbi Muse wuxuu ku abtirsadaa Anbiyo fara badan, waxeeyna abtirsiintiisu tahay Muse Ibnu Cimraan ,ibnu khaahid,Ibnu caasir, ibnu Laawi, Ibnu Yacquub CS,Ibnu Isaaq CS, Ibnu Ibraahim CS.

La soco qeybta 2aad ee qisadda haddii aad ka heshay.

By Dahir Alasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip