Qormo Dahir Alasow "Gabadhii Quruxda badneed iyo gurigii Quraanka"

0
Friday December 08, 2017 - 09:28:17 in Warar by Super Admin
  • Visits: 5025
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Qormo Dahir Alasow "Gabadhii Quruxda badneed iyo gurigii Quraanka"

    Alasow.nl - Waa Aabbe qaba Marwo wanaagsan oo Caruur u dhashay. wuxuu gurigiisa ka baxaa inta badan iyadoo Quranka Kariimka ka shidan yahay , wuxuuna soo laabtaa isla Quran-kii oo shidan, ama Xaaskiisii oo Salaad u taagan ama iyadoo Caruurta ku mashq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alasow.nl - Waa Aabbe qaba Marwo wanaagsan oo Caruur u dhashay. wuxuu gurigiisa ka baxaa inta badan iyadoo Quranka Kariimka ka shidan yahay , wuxuuna soo laabtaa isla Quran-kii oo shidan, ama Xaaskiisii oo Salaad u taagan ama iyadoo Caruurta ku mashquulsan .

Caruur tarbiyo wanaagsan ka muuqato iyo Marwadiisii ayaa ku soo carara oo hab siiya kadibna isla daqiiqado cunto fudud iyo Cabitaan ayaa miiska loo saaraa.

Marwadani waxeey had iyo jeer kala hadashaa inuu ehelka xiriirkooda wanaajiyo, waa gabadh haddii kumanaan kun oo dollar ninka miiska saarto aan taaban .

Nimcadaas illaaheey siiyay umma jeedo, illaaheeyna ugama mahadcelin heerka uu ka jooga nolosha ee wuxuu ku mashquulsan yahay inuu telefoon ama kaamiro kala sheekeeysto haweeney Garooba ama Carmala oo Caruur nin kale u dhashay kana saaqiday.

inta badan wuxuu Xaafadiisa quruxda badan uga maqan yahay inuu hablaha nuucaasa la haasaawo, laakiin dhawr habeen ayey marwadiisa ku tiri Salaadda alle duko, habeenkii xilli fiican Xaafadda imoow si aad Caruurta subaxdii iiga geeysid School-ka.

Buuq iyo dagaal aan jirin buu abuuray, maalmo kadib gabadhii sharafta badneed ayuu furay .

inta badan waxaan jeclaay inaan gurigiisa mararka qaar tago maadama uu qabay Marwo ku wanaagsan MARTISOORKA oo markaan tago igu casuumi jirtay cunto macaan badan iyo weji farxad ka muuqato. laakiin  nasiibdaro iyo amakaag ,Saaxiibkeey maalmahii dambe ayuu ii sheegay inuu gabadhiisii furay uuna guursaday haweeneey nin kale Caruur u dhashay.

Maalintii u horeeysay ee aan u raacay guriga marwadiisa cusub, waxaa albaabka naga furay cunug yar kadibna qolka fadhiga markii aan fooda geliyay waxaa jahadda iga lumiyay qiiq ka soo baxaayey laakiin waxaa salaan igu booday gabadh shiishad cabeeysay .

Anigoo dhibsanaya qiiqa shiishadda iyo sigaarka is dhex socda , aadna uga walwalsan Caruurta yar yar ee ku dhex nool qiiqaas, ayuu igu yiri " Barasho wanaagsan waa tan Xaaskeeyga cusub”

Waa yahay baan ku jawaabay kadibna waxaan u sheegay inaan meel ka soo laaban doono! ALLOOW IGA WAD TAN.

Saaxiibkeeygii gurigiisii QuaAan-ka badnaay soo nacay wuxuu soo galay xero Musiga subax iyo habeen shidan yahay, Xaaska cusub shiishadda,sigaarka iyo khaatkaba waa cuntaa. iney wax kariso waa ku dhib sidaas darteed waxeey sugtaa ilaa uu casho suuqa uga soo gadaa ama isagga uu cunta ugu tuuraa. , Caruurta guriga ku nool ee haweeneeydu dhashay intooda badan waxeey cunaan waxyaabo aan ka xusi karo Rooti iyo Konfalakis ama Mashaariyo.

Laba todobaad kadib ayaan kulanay isagoo Caruurtii ninkii kale dhalay u wada School-ka ! waxaa ka muuqata busaariyad iyo dhafar balwadeed.

Waxaan weeydiiyay inaad Caruurtaad dhashay School geeysid ma waxaad ka doorbiday inaad kuwa nin kale geeysid ? gurigii carafta badnaay ee Quran-kana ma waxaad ka doorbiday kan Muusiga ? Naagtaadii quruxda badneed ma waxaad ka jeclaatay tan shiishadda u shidan tahay ugu yaraan 18 saac ?

Wuxuu iigu jawaabay , saaxiib qoftaas Istareeskeedii ayaan ka reeystay, waxeey igu dishay wacdi laakiin Caruurteeydii ayaan u xiisay !

Waan ka aamusay , saaxiibkeey weligeey ima shaxaadin balse subaxdaas wuxuu igu dhahay " Lacag yar baan u baahanahay, qoftaan guursaday waxba iima dhaqaaleeyn laakiin waa qof shidan”

NINBA TIMA XAMAR EE HADDANA TIDAC , NAFTAANI MAXAA LURAY WAA LA YAABE ?

Xaqiiqadu waxeey tahay raggii Somalida ayaa dhalanteed run mooday, raggii Soomaalida ayaa qaarkood waxeey doorbideen iney guri qurux badan ka tagaan oo haweeneey kii ilmaha ka dhalay ka saaqiday la cabaan balwadda , u xamaalaan, kadibna sidaas nolosha uga dhacaan.

WAA xaqiiqo xigmadda leh "BAADI NIN AAN LAHEYN AYEY LA JOOGTAA”

ILLAAHOOW GUURKA NOO HAGAAJI !!

By Dahir Alasow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip