Hits: 2945 |
Wednesday May 20, 2020 - 05:06:08
Sheekh Cariif "Ganacsiga Internetka waa Xaaraan wixii laga helana lagama xejin karo"
Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif ayaa sheegay inuu Xaaraan yahay ka ganacsiga Internetka haddii aan laga joojin karin iney dad qaawan ka wada raaxeeystaan ama Tiktok,snapchat Youtube iyo Facebook laga daawado waxyaabo Fisqiya.
Sheekha oo ka jawaabayay Suaalo Diiniya wuxuu sheegay in Shirkadaha ka ganacsada Internetka ee Somalia lacagtooda tahay Xaaraan aan laga xejin karin ,lagana iibsan karin Dhar lagu Tukado Salaadaha ALLE.
Qofka ka tujaaray ganacsiga nuucaasa ayaad qaarkiin u taqaaniin inuu la mid yahay CUMAR BIN KHADAAB.
Sheekha wuxuu dhinaca kale sheegay inuu dimbi weyn galay qofka Abtirsigiisa inkira.
"WAA XAARAAN INAAD MAGACA AABAHAA MOOYEE MAGAC KALE ISTICMAASHO , ADIGOO INKIRAYA SHAHWADDA DHALADKA RUNTAA" AYUU YIRI SHEEKH MAXAMUUD AW CABDULLE CARIIF"
Click here to watch