Radio

Hees I miss to Muqdisho Yurub Geenyo iyo Mohamed Tobanle

Hits: 3683 | Wednesday October 18, 2017 - 04:15:21
Hees Muqdisho Yurub Geenyo iyo Mohamed Tobanle. Erayo iyo Laxan: Dahir Alasow Music By - Yusuf Subxaanyo —— Magaalo Madaxdeena Muqdishoo Waa Muraayadaan Ka dhexmuuqanee ————————— Wiilka——— ? Maashaa allee Ma majiirataa Milicsigaa quruxdeeda ----------------- Gabadha——— ? Haa,haa ,haa , My City Muqdisho My Motherland I Miss to her, Macaanoow waan u xiisay ------ Wiilka —— ? Macaanidaa Cimiladeeda Hawadeeda meel dhexaadka Maanyadeeda Sugunto liido Ku maansheeysigeeda ——— Gabadha —— ? Maka heshaa? Madadaaladeeda Maadiyo qosolkeeda. -------- Wiilka —— ? Haa,haa ,haa , My City Muqdisho My Motherland I Miss to her, Macaaneey waan u xiisay ------- Gabadha ———? Mahuraanka geyigeenna Muqdishoo Ma Macaansataa? Malabkiyo Caanaheeda Wiilka —— ? Maka heshaa Malaaygiyo Khudradeeda Mooskiyo Canbaheeda ———

Click here to listen »

Hees Lugooyo Fanaanadda Yurub Geenyo

Hits: 4882 | Wednesday October 18, 2017 - 04:04:18
Lugooyadda ila hadhiyo Jaceylkaan i laasimee Laag iyo iga tuuray buur Habeen qura kama ladoo Laciif buu iga dhigee Sidee baan uga lug bixi? ———— Hadaad laqdabiyo xumaan Nafyaheey ka ladaabatoo Laxwiga Caashaqaan i helay Lurkiisaba aaddan qabin Inaan kaligeey lug go-o Qof aan igu laba aheyn Inaan Laan ubax u lulo Hoheey weeygu liidnimee Nafteeyda miyaan lunshaa? ——— Anoo leexada sariyo Lalaaya daruurahaa Lurkii Caashaqa i helay Lilaahi qof aan aheyn Miyaan laaciisa iyo U Laab kacay hiigsigii

Click here to listen »

Hees DAAUUS LA MOOD Sacdiyo Siman

Hits: 5294 | Wednesday October 18, 2017 - 03:27:41
Muhashadda jacaylkee Laabtayda marisaa Imaraaqinaysoo Waxan ahay naf mahadhada kalgacaylku miratoo maalin iyo alaylkeed Muuqaaga doontee Ma ogtahay ? Kooras.  Adoon iga maqnaaneeyn Macaanooow meel dheerna iga tegin My Love My Love waa marre jacaylkuye siduu iigu kaa maray adna igu mantaanoow. Macaanoow igu mantaanoow

Click here to listen »

Hees Saamiya quruxdeeda eegga -Khadar Keyow

Hits: 3226 | Wednesday October 18, 2017 - 03:21:18
Suleekhadaan quruxdeeda Eegga Soomaali weeyee dhab u eegga Dumar lamma simayee bal eegga. Eegga eegga,inantaasi bal eegga Sankiyo indhaheeda eegga Marka ay soconeysa eegga ——————— Sii jeed, soo jeed, Siduu eebbaheey u sameeyay Eegga. Eegga eegga, intaas bal eegga Eegga eegga,Saamiyaa quruxdeeda Eegga Eegga Eegga, anigeey i saaqdee bal eegga Eegga eegga inantaasi bal eegga —— Salaxleey Xidigteedda eegga Saxarla weeyee dhab u eegga Cidna lamma simayee bal eeggaa Eegga eegga,inantaasi bal eegga Surkiyo luqunteedda eegga Suuradda midabkeedda eegga —————— Sii jeed, soo jeed, Siduu eebbaheey u sameeyay Eegga. Eegga eegga, intaas bal eegga Eegga eegga,Saamiyaa quruxdeeda Eegga Eegga Eegga, anigeey i saaqdee bal eegga Eegga eegga inantaasi bal eegga

Click here to listen »