Hits: 5618 |
Thursday March 12, 2020 - 09:52:31
Xasan Cali Kheyre ayaa ceeboobay kadib markii uu sheegay in garoonka diyaaradaha Barawe ku baxday 4.3 Milyan dollar laakiin Farmaajo ayaa tilaabo wanagsan qaaday.
1-Kheyre oo baraha bulshadda ku ceeboobay kadib markii uu garoon la moodo bacaad celiskii Shalaanbood ku sheegay iney ku baxday 4.3 Milyan dollar.
2- Farmaajo oo tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Villa Somalia qaaday tilaabadii ugu fiicneed ee mudo xileedkiisa.
3- Ciidankii u dhashay beelaha Habargidir iyo Abgaal ee Koofiyo Gaduuda Madaxtooyadda Villa Somalia oo guud ahaan loo daad gureeyay Shabeeladda hoose ,iyadoo lagu bedelay Ciidan beeleed ku qabiila Farmaajo.
4- Axmed Qoor Qoor oo ka badbaaday isku day dil kadib markii Ciidanka Melleteriga rasaas huwiyeen baabuur galbineysay oo NISA laheyd.
5- Dhuusamareeb oo laga helay Wiil hooyadii dhashay ku tuurtay dariiqa, waana markii ugu horeeysay taariikhda laakiin maxey ka dhigan tahay ?
6- Odayaasha beesha Ayaanle Ceyr oo wejigabax kala kulmay Axmed Qoor Qoor.
7- Yusuf Garaad oo Yaxyax iyo ceeb darteed isku xiray qol kadib markii loo magacaabay madaxa xafladda iscaleema saarka Axmed Qoor Qoor oo kooxdii Sufa ka qabsaday DHUUSAMAREEB.
8- Xildhibaankii ka tegay Mucaaradka dhaliilsan maamulka Farmaajo ee Cabdixakiin Bidaar oo busaariyadii ugu xumeeyd la ildaran kadib markii deyn darteed laga qaatay Baabuurkii uu watay kadib markii uu tolkiisa ku gumeeyay Dhuusamareeb iyo Guriceel.
9- Hogaamiyeyaashii awoodda badnaay ee Sufa Ahlusunah Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo Video laga duubay iyagoo dhiiqadda Xaafadda Islii ee Nairobi ka tilaabsanaa ? amaankooda waa sidee ?
10- Jeneral Mascuud oo Xabsi Guri ku jira Muqdisho kadib markii Maxamed Adan Koofi ka soo kaxeeyay Dhuusamareeb.
11- Waxgaradka iyo halgamayaasha Somali Galbeed oo si adag uga jawaabay damaca Ra'isulwasaaraha Ethiopia ee ku sheegay inuu Kaaramardha taalooyin uga dhisi doono Ciidankii Ethiopia ee lagu jibiyay dagaalkii 77.
12- Ethiopia oo qorsheeyneysa iney la wareegto afar Dekadood oo Somalia ku yaal ka hor sanadka 2021, iyadoo Ciidankooda badda oo wato Maraakiib dagaalna gelayaan badda Somalia.
13- Cudurka Karoona Virus oo qalqal geliyay Caalamka iyo isu socodkii dadweynaha Talyaniga iyo dalalka Yurub oo maanta istaagay.
14- Madaxweyne Farmaajo oo beentii ugu weeyneed ku faanay kadib markii uu sheegtay inuu soo noqday Garsoore FIFA u joogay Somalia , khudbad Alpha trust group ay ka duubtay oo la qarin jiray ayaa markii ugu horeeysay la baahiyay muuqaalkeeda.
15- Dowladda Turkiga iyo Villa Somalia ayaa khilaaf xoogan soo kala dhexgalay kadib markii Farmaajo go'aansaday inuu Shidaalka Somalia u saxiixo Shirkadda SHELL oo lagu ballamiyay 30 March 2020 Magaaladda Washington ee dalka Mareykanka.
16- Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ahaay kooxda loogu magacdaray Cayayaanka baraha bulshadda ee taabacsan Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay xaqiiqsaday sumcad daradda uu wajahay kadibna wuxuu cambaareeyay faanka aan runta aheyn ee Kheyre iyo Farmaajo ka dhigteen shaqo dhaqameed.
17- Odayaasha beesha Abgaal oo Khaakhlayaashoodii Cali Geedi iyo Salaad Cali Jeelle ku qasbay iney ku biiraan Shirweynaha beesha Mudulood ee Muqdisho ka socda.
18 - Abgaal oo isku tashi iyo shirar isdabajooga ku leh dal iyo dibad , Habargidir oo hadal mooyee aan midnimo iyo Aaya ka tashi laheyn .
Habargidir ma waxey sugeeysaa iney wax ka helaan waxey beesha Abgaal ku soo dhacsadaan afkooda iyo itaalkooda ?
19- Maxaa ka jira iney Farmaajo iyo Kheyre kala tageen , inuu Fahad Yasin la saftat Farmaajo.
Click here to watch