Daawo dhalinyaradii Hawiye oo isaga baxaya Al-Shabaab iyo wararka qubanaha Dahir Alasow

0
Monday October 03, 2022 - 22:42:41 in Warar by Super Admin
  • Visits: 4350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo dhalinyaradii Hawiye oo isaga baxaya Al-Shabaab iyo wararka qubanaha Dahir Alasow

    Wararka qubanaha Dahir Alasow 3 October 2022. 1- Ninkii labaad ee ugu awoodda badnaay Al-Shabaab oo la dilay. maxaa isu geeyay wiilka Xasan Dahir Aweys iyo Abdullahi Yare ? 2- Shaqsiyaad muuqaal beena ka faafiyay Xasan Dahir Aweys oo la ooyay g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka qubanaha Dahir Alasow 3 October 2022. 1- Ninkii labaad ee ugu awoodda badnaay Al-Shabaab oo la dilay. maxaa isu geeyay wiilka Xasan Dahir Aweys iyo Abdullahi Yare ? 2- Shaqsiyaad muuqaal beena ka faafiyay Xasan Dahir Aweys oo la ooyay geerida Sheekh Saaxiibkiis ahaay ? kadibna ka dhigay inuu dhimashadda wiilkiisa ka ooyay ? 3- Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshadda oo laga dhigay Farxaan Qaroole Aabahiis oo Calaacalaya laakiin ma aheyn ?

4- Argagixisadda Al-Shabaab oo ku jira rafashadii ugu dambeeysay ayaa qaraxyo weerara ka geystay Beledweyn laakiin taasi shacabka ma cabsan gelin.

5- Kooxda Somalia ee 17 Jirada Cecafa ayaa ku tuntay dhigooda Ethiopia kadib markii ay uga adkaadeen hal iyo eber.

6- Beesha Abgaal Cismaan oo weli aan qaadin tilaabo Melleteri si ay ula dagaalaan argagixisadda Al-Shabaab.

7- Dhaqtarka uu dhalay Xasan Dahir Aweys xagee lagu dilay ? ma beertiisa mise isagoo la socda hogaamiyaha Al-Shabaab ?

7- 360 Neef oo Geella ayaa Muqdisho lagu diyaarshay Moowlaca Daarul Mustafa si loogu xuso dhalashadda Nabigeena Muxamad NNKH.

9- Muqdisho waxaa ka dhacaya banaanbixii ugu weynaa ee dhalashadda Nabiga NNKH. waxey socod ku mari doonaan Wadooyinka Muqdisho ilaa Daljirka Dahsoon iyagoo farda wata.

10- Maamulka gobolka Banaadir oo la wareegay Guryo laga kireeyay Khawaarijta Al-Shabaab iyo amaradii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Gudoomiye Madaale.

11-  Dowladda oo go-aansatay iney la wareegaan Shirkadaha lacagta baadda siiya Khawaarijta Al-Shabaab iyo Sirdoonkii ugu badnaay oo la howlgeliyay.

12- Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo dhaawaca ayaa loo raadinayaa dhaqtar daweeyo sida la xaqiijiyay.

13- Dhalinyaradii beelaha Hawiye oo ka yaacay Al-Shabaab kadib markii ay xaqiiqsadeen iney cadaawadu tahay bartilmaameedsi u gaara Waxgalka iyo degaanadda beelweynta Hawiye.

14 b.  - Dhalinyaradii ka cabsan jiray Khawaarijta Al-Shabaab oo bilaabay iney iska soo duubaan muuqaalo ay ku caaynayaan , ugana soo horjeedaan falalkooda ka baxsan diinta islaamka iyo bini-aadamnimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip