Topnews:-Farmaajo iyo Fahad oo boobay Kuraastii beelaha Ciidagale Isaaq, Celi Mareexaan, Waceysle Abgaal, Eelaay Raxanweyn iyo Saleebaan Cabdalle Surre

0
Sunday December 12, 2021 - 19:16:19 in Warar by Super Admin
  • Visits: 4000
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Topnews:-Farmaajo iyo Fahad oo boobay Kuraastii beelaha Ciidagale Isaaq, Celi Mareexaan, Waceysle Abgaal, Eelaay Raxanweyn iyo Saleebaan Cabdalle Surre

    Alasow.nl - Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa boobay inta badan kuraastii goboladda Waqooyi, Galmudug iyo Koofur Galbeed laakiin wuxuu fashil weyn hareeyay kadib markii ay boobeen kuraastii beelaha Macalin dhiblawe ee Waceysle, Kursigii Saleebaan Cabda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alasow.nl - Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa boobay inta badan kuraastii goboladda Waqooyi, Galmudug iyo Koofur Galbeed laakiin wuxuu fashil weyn hareeyay kadib markii ay boobeen kuraastii beelaha Macalin dhiblawe ee Waceysle, Kursigii Saleebaan Cabdalle ee Dir, Kursigii beesha Ciidagale ee Isaaq, Kursigii Celi Mareexaan oo la siiyay nin u dhashay beesha Reer Siyaad Xuseen iyo Kursigii Eelaay ee Raxanweyn. Gudoomiyahii hore ee baarlamaanka Prof Jawaari oo buuxiyay sharuudihii Musharaxa ayaa loo diiday Baydhabo inuu kursiga beeshiisa u tartamo , tani waxey noqotay fadeexadii ugu weyneed ee ruxday guddigga doorashooyinka oo noqday kuwa u shaqeeya Farmaajo oo ku milmay siyaasadda. Siyaasiyiinta u dhashay beesha Hawiye ee badankood u sharaxan Madaxweynenimada Somalia iyo Madaxweynahii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo diiday inuu kursiga ka dego ayaa u diyaar garoobaya dagaal la rumeeysan yahay inuu sababi doono dhimasho iyo dhaawac qaadan kara ugu yaraan laba bilood. Farmaajo oo garab ka helaya dowladaha Qatar , Eretria ,Ethiopia iyo Turkey ayaa ku hoowlan diyaarinta Ciidamo gaara si uu uga taqaluso dhamaan Musharaxiinta Mucaaradka iyo Saraakiisha Ciidanka ee ka soo horjeeda qorshahiisa ku saabsan inuu boobo doorashadda kadibna ku dhawaaqo inuu yahay Madaxweynaha cusub ee dalka Somalia.

Farmaajo iyo Saaxiibkiisa siyaasadda Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa sugaya Ciidan mudo lagu tababarayay dalka Eritrea kuwaas oo laga soo xigtay Saraakiisha Sirdoonka in Talaado la geyn doono Muqdisho iyo Baydhabo si loogu qabsado Kismaayo iyo Muqdisho.

Siyaasiyiinta u dhashay beesha Hawiye ee u sharaxan kursiga Madaxweynaha ayaa dib u bilaabay abaabul dagaal , iyadoo Muqdisho ay soo gelayaan Ciidankii Badbaado Qaran ee horey Farmaajo ugu qasbay inuu ka laabto waqti kororsigiisii sharci darada ee labada sano aheyd.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa sida muuqata ku fashilmay inuu maamulo Amniga iyo doorashadda dalka kadib markii ay Cadaadis dhinacyo badan saareen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo doorashadda ku bilaabay xoog iyo boob.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa lagu eedeeyay iney caqabad ku yihiin doorashadda Somalia .

Madaxweynahii hore, Mr Farmaajo oo diiday inuu kursiga baneeyo wuxuu amray in la weeraro Xarunta Miranaayo ee Senator Muse Sudi Yalaxow degan yahay taas oo ka dhigan halkii uu ka biloowday dagaalkii sababay iney Mucaaradka hareereeyaan halka uu Farmaajo degan yahay ee Vlla Somalia.

BY DAHIR ALASOW

[email protected]




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip