Garbaashka gabdhaha iyo garoobada By Dahir Alasow.

0
Thursday May 20, 2021 - 06:10:07 in Warar by Super Admin
  • Visits: 3138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Garbaashka gabdhaha iyo garoobada By Dahir Alasow.

    1- Haddii aad aragtid Garoob, Carmalad ninkeey guursatay ku amaaneysa baraha bulshadda ama isla soo sawireysa had iyo jeer , taasi waxey weli jeceshahay ninkeedii hore oo ka diiday iney isku noqdaan sidaas darteed QARAAR dartiis ayey qosol beena jile

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Haddii aad aragtid Garoob, Carmalad ninkeey guursatay ku amaaneysa baraha bulshadda ama isla soo sawireysa had iyo jeer , taasi waxey weli jeceshahay ninkeedii hore oo ka diiday iney isku noqdaan sidaas darteed QARAAR dartiis ayey qosol beena jileeysaa iyadoo qalbiga ka ooyee shalaayto kala taga ninkeedii hore. 2- Haddii aadf aragtid gabadh qurux badan oo aad u cuqdad iyo caro badan , adiga kuuma careeysnee waxey ka careeysan tahay fursadihii ay lumisay, waxeyna cuqdad ka qabtaa guurka ka raagay ama guriga ay iska dumisay.

3- Haddii aad aragtid gabadh, garoob ama Marwo la qaba oo ku faanee gurigeeda oo ay hagaajisay, cunto ay karisay , taasi waa Areebo ama Caajisleey aan horey shaqo u qaban jirin sidaas darteed waxey maleeysan la dahay shaqadaas ay maalintaas qabatay.

4- Haddii aad aragtid gabadh mar walba Makeup u marsan yahay waxaa ku dhacay xanuunka loo yaqaan kalsooni daro sidaas darteed halmar ka badan ha fiirin, haddii ay kuu faantana u camir.

5- Haddii aad aragtid Marwo la qabo oo mar walba telefoon ku jirta, murmee, xanta jecel ama doodeeysa waxaa hubaala inuu Ninkeeda qancin waayay, iney maseeyrsan tahay, ineysan Tukan oo taariku salaad tahay ama iney Istarees xoogan qabto, maxaa yeelay naag laba iyo tobanka telefoon ku jirta oo murmeeysaa ma noqon karto Marwo maskixiyan Caafimaad qabta .

6- Haddii aad aragtid gabadh mar walba jecel iney Aado aroosyada, xafladaha iyo wareega waxey ku soo barbaartay guri fasahaada ama waxey ku lug xiratay dumar dhaqan xun oo maskaxda ka xaday.

7- Haddii aad aragtid gabadh iyadoo weyn ku soo biirtay Fanka ama noqotay Wariye Tv, waa garoob uu istarees ku furan yahay , wuxuu ujeedkeedu yahay iney is iloowsiiso jaceylka ninkeey kala tageen ama  hesho bulsho mashquulisa.

8- Haddii aad aragtid Marwo had iyo jeer ku faaneeysa inuu ninkeeda u geday guri qurux badan. dahab  u iibshay ama lacag ay ku dalxiisto siiyay waa beenleey, waxey hafreeysaa nafteeda, waxaad arkeeysid oo dhan waa lacagteeda.

9- Haddii aad aragtid gabadh qurux badan oo gabadhnimo ku gaartay 30 jir, waxaa qaba Jinn, waa beenteed oo waa qaraabatay, ama iyadaa is farsameeysa ama waa qof dabeecad xun oo xaalkeedu alloow sahal yahay.

10- Haddii aad aragtid garoob, carmal shaki badan oo buufis qabta,, tusaale aan rumeeysan waxaad u sheegtid gabadhaas waa dhibane uu soo qabay nin aad u xun oo been badan. waana adag tahay inaad la noolaatid.

Todobaadkaan 10-kaas tilmaamood hanoo joogto garbaashka garoobadda.

Fiiro gaara: Hadaad xanaaqday is deji,  caadi iska dhig

By Dahir Alasow

[email protected]




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip