Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 5-aad "Sidee u galay Furux iyo Abtigiis Cali Dabeeyl"

0
Friday July 10, 2020 - 07:57:47 in Warar by Super Admin
  • Visits: 4115
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 5-aad "Sidee u galay Furux iyo Abtigiis Cali Dabeeyl"

    Qoor Qoor oo si xun u galay Abtigiis Furux - Ninkii badbaadiyay dekadda Muqdisho ? Waagacusub.com - Maxamed Jamac Furux oo u adkeeysan waayay musuqmaasuqii ka socday Dekadda Muqdisho xilligii Shariif Sheekh Axmed ayaa joojiyay shaqadii Dekadda Muqdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoor Qoor oo si xun u galay Abtigiis Furux - Ninkii badbaadiyay dekadda Muqdisho ? Waagacusub.com - Maxamed Jamac Furux oo u adkeeysan waayay musuqmaasuqii ka socday Dekadda Muqdisho xilligii Shariif Sheekh Axmed ayaa joojiyay shaqadii Dekadda Muqdisho kadibna waxaa Idaacadda Shabelle ka hadlay Axmed Qoor qoor oo yiri " Waxba ma xiri karo Furux,shaqadana waa socotaa" Farmaajo ayaa Qoor Qoor kadib hadlay oo dalbaday in Xasaanaddii Xildhibaanimo laga qaado Maxamed Jamac Furux.

Meesha uu Maxamed Deeylaaf ka sameeystay kaalinta Shidaalka waa  dekadda dhabarkeeda halkii uu Mohamed Jamac Furux ilaalin jiray ee ku xoog iyo xoolo beelay.

Maxamed Deylaaf waa tii uu dekadda ku weeraray Furux iyo Xuseen Caydiid. Furux waa ku dhaawacmay.

Qoor Qoor markii loo magacaabay Maareeye ku xigeenka dekadda Muqdisho wuxuu gurigii uu deganaay xoog uga saaray Taliyahii Ciidanka ilaaladda Dekadda Cali Dabeeyl Ibrahim oo abtigiis rumaad ah, waxaa Qoor Qoor dhalay Xaadsan Dabeeyl Ibraahim.

Guri ku noolaanshaha Saraakiisha Ciidanka oo ku yaalay Warshadda caanaha uuna deganaay Maxamed Jamac Furux ayaa la weeraray isagoo Galmudug ku maqan,waxaana la afduubtay Caruurtiisii. qorshahaas waxaa ka shaqeeyay Qoor Qoor.

17 Maalmood kadib ayaa Furux gurigiisii waxaa lagu wareejiyay nin la yiraa Koofuroow oo ka tegay London Uk.

Gurigii oo agabkii yiilay oo dhan lagu wareejiyay Koofuroow hadda waa cidlo,waxaana jooga askar ilaalo ah kaliya.

Nin Caruurtiisa London ku nool yihiin ayaa loo bahdilayaa Caruurta ninkii badbaadiyay Dekadda weyn ee Muqdisho.

Maxamed Jamac Furux wuxuu u dhashay qabiilka Habargidir gaar ahaan Saleebaan Reer Xersi, wuxuu ka soo jeedaa Jilibka ama Raaska Xaadsan Dabeeyl oo ah Qoor Qoor hooyadiis.

Ninka Abtiyaashiis Furux iyo Cali Dabeyl dibadda dhigay ayey dad badan leeyihiin wuxuu ixsaan u falayaa beelweynta Habargidir.

La soco qeybta 6-aad Qisooyinka Qoor Qoor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip