Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 4-aad "Dilalkii uu maleegay Sida Cali Faarax"

0
Friday July 10, 2020 - 07:50:49 in Warar by Super Admin
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qisooyinka Qoor Qoor qeybta 4-aad "Dilalkii uu maleegay Sida Cali Faarax"

    Axmed Qoor Qoor wuxuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyay mudo dheer Cali Maxamuud Ibrahim oo loo yaqaanay Cali Faarax una dhashay beesha Saleebaan Habargidir gaar ahaan Farax, Juffadda Reer Muse , Reer Cabdi Siyaad. Axmed Qoor Qoor ayaa dilka ninkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Qoor Qoor wuxuu dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyay mudo dheer Cali Maxamuud Ibrahim oo loo yaqaanay Cali Faarax una dhashay beesha Saleebaan Habargidir gaar ahaan Farax, Juffadda Reer Muse , Reer Cabdi Siyaad. Axmed Qoor Qoor ayaa dilka ninkaas wuxuu u adeegsaday nin ay ilmo adeer yihiin oo la dhihi jiray Xirsi Goobe.

Axmed Qoor Qoor waxaa la yiraa Axmed Cabdi Kaariye Cabdi Guled Gacamey halka Xersi Goobe la yiraa Xirsi Goobe Biikole Jamac Guled Gacamey.

Xirsi Goobe wuxuu ahaa Alshabab wuxuu ku dhintay Shabeelada hoose weerar diyaaradaha Mareykanka ka geysteen.

Qoor Qoor wuxuu dilay ina adeerkiis Mataan Sheekh Nuur Faarax Daad Cabdi Guled Gacamey, wuxuu ku dilay Suuqa xoolaha Huriwaa.

Xogta la xaqiijiyay waxey tahay inuu Mataan oo ahaan jiray Al-Shabaab u hanjabi jiray Qoor Qoor kadibna iskaga baxay argagixisadda oo heshiis la galay Qoor Qoor laakiin Axmed Qoor Qoor waa dilay oo cuqdadii hore nin hilmaamay maaha.

Dilalka kale ee Qoor Qoor geystay waxaa ka mida inuu dilay Kaariye Indhataag oo ka mid ahaa raggii Saraakiisha ahaa ee Dowladii Sheekh Shariif .

Kaariye Indhataag wuxuu ahaay Saleebaan Farax, reer Muse, Reer Faatax, wuxuu Qoor Qoor ku dilay agagaarka Ceelka Caafi ee Warshadda Taraqa iyo Sigaarka, waxaana dilkiisa fuliyay rag ku heyb ah Qoor Qoor , oo Reer Muuse ,Reer Cumar ah.

Qabiilka Reer Muse waxaa ugu badan Juffadda Reer Cabdi Siyaad.

Qoor Qoor shan ka mida jufadda Saraakiisha beesha Cali Faarax ayuu calaamadeeystay.

Shantii laba ka mida waa dilay, mid waa xiran yahay oo Xabsiga ayaa lagu sumeeyay sida la soo sheegay gelinkii dambe, halka labada kalena uu daba taagan yahay.

-Cali Maaliki adeerkiis Cabdinaasir Aadan Rooble Jimcaale  oo ahaay  ninkii raashinka ugu geeynaayay Xabsiga waa la dilay maadama uu waday olole uu bulshadda ku kicinaayay si loo sii daayo Cali Maaliki.

Cabdinasir wuxuu ahaay ninkii uu rabay Dahir Shidane inuu ku wareejiyo hubka beesha Cabdi Siyaad. Qolooyinka ka socday Qoor Qoor oo kicinta dagaalka Qalanqale qaabilsanaay ayaa u tegay Cabdinasir, waxaa lagu dhahay ka qeybgal Xoolo qal loo sameeyay Ciidan beeleedkii Saleebaanka ee Ceyr kula dagaalay Qalaanqale.

Cabdinasir markii uu ka soo laabtay Hilib cunkii uu ka qeybgalay ayey Jidka u galeen rag hubeeysan oo u dhashay beesha Reer Cumar ee Juffadda Qoor Qoor kuwaas oo dilay.

- Cali Maaliki walaalkiis Dahir Shidane oo dadaal ugu jiray in la sii daayana waa la dilay kadib markii uu shahaadooyinka Ninkaas u geeyay Qoor Qoor 24 June 2020.

- Qoor Qoor wuxuu u socdaa inuu mishin ku dilo Xidig Cabdulahi Xaashi [Xidig Afkalahaye] oo Xabsiga ku booqday Cali Maaliki.

-Ninka ugu dambeeya ee Qoor Qoor ka taqalusi doonana wuxuu noqonayaa Faarax Dabagod.

LA SOCO Qeybta 5-aad qisooyinka Qoor Qoor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip