Topnews:-Qoor Qoor oo lagu dul magacaabay Taliyaha Boliiska Galmudug iyo Fiqi oo yaaban?

0
Tuesday May 12, 2020 - 06:09:01 in Warar by Super Admin
  • Visits: 6523
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Topnews:-Qoor Qoor oo lagu dul magacaabay Taliyaha Boliiska Galmudug iyo Fiqi oo yaaban?

    Siyaasadii Dhuusamareeb ee rajada yar laga qabay iney Mucaaradka awood ku yeeshaan ayaa marqura ku wareegtay gacanta Villa Somalia kadib markii Farmaajo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Galmudug oo sharciyan aheyd inuu magacaabo Axmed Qoor Qoor,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasadii Dhuusamareeb ee rajada yar laga qabay iney Mucaaradka awood ku yeeshaan ayaa marqura ku wareegtay gacanta Villa Somalia kadib markii Farmaajo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Galmudug oo sharciyan aheyd inuu magacaabo Axmed Qoor Qoor, inkastuusan Galmudug ku qabsan doorasho xora. Xeeldheerayaasha Amniga ayaa isweeydiiyay wuxuu qaban karo Axmed Macalin Fiqi oo Qoor Qoor ka dhigtay Wasiirkiisa Amniga, sababtuna waxey tahay Taliyaha Boliiska Galmudug waxaa loo magacaabay Bishaar Qalweyne oo u dhashay beesha Ceyr Habargidir gaar ahaan Cabsiiye.

Bishaar Qalweyne wuxuu hoos tegayaa, kana amar qaadanayaa Taliyaha Boliiska Farmaajo , ninka la yiraa Xijaar laakiin waxaa filan waa ku noqotay Axmed Macalin Fiqi iney Farmaajo iyo Kheyre soo magacaabeen Taliye Boliis aan lala socodsiin Axmed Qoor Qoor oo isku magacaabo inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

1- Taliyaha Boliiska Galmudug oo aysan sharci aheyn in Farmaajo ka magacaabo Muqdisho wuxuu hoos tegayaa Taliye Xijaar.

2- Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Galmudug oo aysan sharci aheyn inuu Farmaajo soo magacaabo wuxuu hoos tegayaa Fahad Yasiin.

3- Taliyeyaasha qeybta 21-aad iyo 13-aad ee Ciidanka xooga dalka Cabdi Casiis Qooje Dagaari iyo Jeneral Mascuud waxey ka amar qaadanayaan Taliye Odowaa.

Dastuurka Galmudug iyo Dowladda Federalkaba wuxuu dhigayaa in Taliyeyaasha Ciidamadda Amniga maamul goboleedyadda magacaabisteeda leeyahay Madaxweynaha Maamulkaas  laakiin haddii Taliyeyaashii Ciidanka Galmudug oo dhan ka amar qaadanayaan Taliyeyaasha Ciidanka Villa Somalia  ,waxaa isweeydiin mudan maxey micno leedahay Wasaaradda Amniga Galmudug ee Axmed Macalin Fiqi lagu magacaabay ?

Xaqiiqadu waxey tahay in haddii loo baahdo Ciidanka soo xirayaan Qoor Qoor iyo Fiqi, mana jirto awood Ciidan oo aan aheyn tan Villa Somalia.

Ila wareedyo muhiima ayaa dhinaca kale ii xaqiijiyay in Taliyaha Boliiska Saldhiga Dhuusamareeb loo soo magacaabi doono nin la yiraa Maxamed Mire kaas oo u dhashay beesha Ceyr Habargidir gaar ahaan Yabar dhawrakace.

Sikastaba ha ahaatee , Taliyeyaasha Ciidanka Puntland,Jubbaland iyo Somaliland waa kuwa ka madaxbanaan Villa Somalia oo aan laga magacaabin Muqdisho laakiin Galmudug waxey gashay gacanta Farmaajo iyo Kheyre.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip