Faallo uu qoray Wariye Gurbiye 12 sano ka hor oo rumoowday"SOMALIYA IYO DAGAALKA DIINTA"

0
Sunday May 10, 2020 - 08:33:04 in Warar by Super Admin
  • Visits: 3934
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo uu qoray Wariye Gurbiye 12 sano ka hor oo rumoowday"SOMALIYA IYO DAGAALKA DIINTA"

    Wariye Cabdi Casiis Gurbiye ayaa sanadkii 2008 wuxuu qoray Maqaal uu ciwaan uga dhigay "SOMALIA-DAGAALKA-DIINTA" laakiin sida muuqata warbixintaan waxey maanta noqotay mid dhaboowday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariye Cabdi Casiis Gurbiye ayaa sanadkii 2008 wuxuu qoray Maqaal uu ciwaan uga dhigay "SOMALIA-DAGAALKA-DIINTA" laakiin sida muuqata warbixintaan waxey maanta noqotay mid dhaboowday.

Inta badan shacabka  Somaliyeed waxay maalmahan ku  mashquulsanyihiin akhbaarta ku saabsan bixitaanka cadawga Ethiopia iyo guulaha ay soo hooyeen Maxaakiimta,Al-shabab,al-mujaahidiin iyo kooxaha magacyada kala duwan wata ee Islaamiyiinta Somalida….waa arin fiican!

     walise ma arag cid falanqeysa qatarka ka iman karta isku dhaca Ahlu sunna iyo Al-shabab,wali ma maqal cid si fiican u fahamtay erayo ku jiray shirkii jaraa’id ee Sheikh Shariif Jabuuti ku qabtay tasoo uu kaga hadlay koox uu ugu yeeray inay dadka gaaleeyaan  ama Takfiiriyiin  aan diinta meelna kasoo galin,

 

    Dhinaca kale Qabuuro ayaa dhawaan  la burburuyay qilaafkii waa sii fogaaday,Sheikh Shariif Sheikh Axmed  ayaa Muqdishu ka dagay waa lagu kala qeybsamay,warbixin ay manta soo saareen Culimaa’udiinka dhexdhexaadinta ayaa waxaa uu afhayeenka culumadaas sheegay” Waxaanu ka digeynaa in iyadoo weli lagu guda jiro halganka lagula dagaalamayo sidii dalka looga xoreyn lahaa ay dhacaan dagaallo ay isaga hor yimaadaan xoogagga muqaawamada oo haatan wada inay qabsadaan degaanno ay dadkii degenaa ku maamulaan shareecada Islaamka”.

 Somaliya waxay foodda u saarantahay  min dagaal Sokeeye ilaa dagaal Diini ah,waxaa laga yaabaa in maqaalkan aad la yaabto,balse waa xaqiiq jirto,cudurkana in laga hortago ayaa ka wanaag badan in goor dambe lala tacaalo………dhamaan aqoonyahanka Somaliyeed waxaa la gudboon in maanta la falanqeeyo,la fahmo, wax laga qabto,daawo loo raadiyo  dagaal cusub oo magac diin wata kasoo aan la ogeen inta uu qaadan doono.

Diinta Islaamka cadaw uma yara,dadka Muslimiintana sidoo kale,in muslimiinta dhexdooda isku mashquulaan waa arin nasiib darro ah xili dagaal lagula jiro diinta Islaamka iyo Nabi Muxammed……halkan waxaan kusoo koobayaa Liiska dagaalada ay gaalada kula jiraan Islaamka iyo Nabi Muxammed.

 

  1.  "Aayaat Sheidhaania( The Satanic Verses):

 

Waxaa qoray Salmaan Rushdi oo ah Qoraa Ingiriis ah balse asal ahaan kasoo jeeda India,markuu qoray Buuggan 1988-dii, kasoo uu ku Aflagaadeeyay Nabi Muhamed  kuna sheegay in Sheydaan dhagta wax ugu sheegay iyo in Quraanka lagu Amaanay Ilaahyadii Qureesh ee Lata iyo Cuza…..waxaa isla kacay Dunida Muslimka,waxaa Fatwa soo saaray Ayatollahu Ruhullahi Khuomeniga iiraan  tasoo ahayd in la dilo Rushdi tiiyoo keentay in ilaa maanta la Waardiyeeyo.

   Dhinaca kale Salman Rushti waxay Boqoradda Ingiriiska gudoonsiisay”SIR” oo ah naanees la gudoonsiiyo dadka caanka ah,buugiisana luqado badan waa loo tarjumay,waxaa sidoo kale uu Rushti helay abaalmarino caalami ah iyo nolol ciriiri ah!

 

2.   Filimka "Submission” part 1:

Waa Film 10 Daqiiqo ah uu soo saare ka yahay Theo Van Gogh, waxaa qortay Ayaan Hirsi Ali oo ka tirsaneed xiligaas Barlamaaka Dutch-ka.

 

Filimkan waxaa uu ka sheekeeyay waxa uu ugu yeeray sida xun Islaamka ula dhaqmaan Haweenka,isagoo soo qaatay Aayado Quraan,waxaa sidoo kale Filimka kasoo muuqanaya haweeny xijaaban,tukanaysa,Qaar Qaawan, oo Ayaado lagu dul-qoray.

Filmkan ayaa dhaliyay in Muslimiinta ka caroodaan 2004-tii ,banaanbaxyo ayaa dunida ka dhacay,Muslimiinta afka labadiisa ayey furteen…..tiiyoo keentay in la dilo soo saarihii Filimka Theo Van Gogh November 2, 2004, waxaa dilay Mohamed Bouyeri oo u dhasahy Denmark asal ahaan kasoo jeeday Maroco…halka Ayaan Xirsi oo filimka qortay Xildhibaanimo oo ay waysay,dhalashadeedii  oo qilqiil gashay,kiisas been ah oo lagu qabtay iyo  dhinac walba oo  laga nacay nasiibkeeda noqday…waxaa intaas usii dheer dilkeeda oo loo baxbaxsanayo.

 

Waxaa sidoo kale jiro Cartoons la isku dayey in lagu waxyeeleeyo Nabi Muhamed oo lagu daabacay meelo badan oo Yurub ah sida: Danish-ka iyo Guud ahaan wadamada Scandinavian-ka iyadoo loo bixiyay”Muhamed Cartoons”ama "The War of Cartoons”, ama ‘Anti-prophet Cartoons” inta  badan reer Galbeedka waxay ku doodaan in arintan ay qeyb ka tahay waxa loo yaqaano”Fredom of the press’ ama ‘Fredom of expression "halka Muslimiinta ay u qaateen Diin-Takoor ama " Racism Against Islam”.

 

3.  Mareykanka oo loo Waxyooday Furqaan been ah:

Buuggan cusub oo loo bixiyay”Furqaanka Xaqqa ah”, waxaa uu ka koobanyahay 366 BOG, 77 SUURAD, 12 JUS, iyadoo lagu tarjumay Afafka Carabiga iyo Ingiriiska.

Qoraaga Buuga loo Bixiyay Furqaanka Xaqqa ah waa: Dr.Anis Shuuris oo asal ahaan kasoo jeeda Falastiin,Ninkan ayaa kasoo baxay Jaamacadda Misissibi kanasoo shaqeeyay Hay’adaha Tabshiirka,Anis waxaa uu horay u sheegtay Nabinimo isagoo qoray Buugaab dadka ku boorinaya in Muslimiinta la tirtiro.

  Waxaa jiro Bogag Internet-ka loo Xayeysiiyay Buuggan sida: www.truth”inCrisii.com, waxaa la Iibiyaa 150$.

 

4.  22 Urur oo shaqo ka dhigtay Islaamka:

  Wadamada Reer Galbeedka waxaa jiro ururo shaqo ka dhigtay La dagaalanka Diinta Islaamka iyadoo ay  sii kordhayaan waxa loo yaqaano’Islamo Phobia”.

 Sida ku qoran Buugga "Is dhex-galka Xadaaradaha” ee uu qoray Samuel Heifhen oo Professor ka ah Jaamacadda harbet, waxaa uu ku sheegay Buugiisa in Dunida isugusoo hartay sedex Ilbaxnimo, isagoo ku taliyay inay haboontahay in  laga Taqaluso Ilbaxnimada Islaamka iyo Midda Shiinaha.

  Waxaa jiro Culumo badan oo Dunida Muslimka ka tirsan kuwasoo  safaro ku taga Reer Galbeedka si ay u dhimaan Islamo Phobia oo kusii kordhaya halkaas.

  Waxaan ku ogaanay Baaritaan uu sameeyay”Gurbiye Information and Cultural Center ” in sababta Diinta Islaamka loo neceb yahay tahay:

  1. Diinta Islaamka waa Diinta sedexaad ee Dunida xagga Tirada dadka Aaminsan.
  2. Waa Diinta koobaad xagga Faafidadda.
  3. Waa Diinta ugu dhowrsan Xagga dhaqanka iyo Akhlaaqda.
  4. Waa Diinta ugu Sahlan Barashada.
  5. Waa Diinta ugu Cusub Diimaha.

 

W/D: Abdi Aziz Gurbiye,

Gurbiye Information and Cultural Center,

Nairobi, Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip