Qabyaaladda Qoor Qoor iyo beelaha uu bahdilay " Laba Wasiir oo qabiilkiisa uu siiyay"?

0
Friday May 01, 2020 - 07:39:44 in Warar by Super Admin
  • Visits: 4939
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qabyaaladda Qoor Qoor iyo beelaha uu bahdilay " Laba Wasiir oo qabiilkiisa uu siiyay"?

    Qoor Qoor oo Qori ku qabsaday Galmudug wuxuu yiri " Waxaan ahay Madaxweynaha Galmudug, Labo Wasiirna waxaan siiyay Saleebaan, weliba Dashame Saciid Siyad Shirwac waxaan siiyay Wasiirka Bay'adda. Xildhibaanka Farax, Saabir Nur waxaan iskuugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoor Qoor oo Qori ku qabsaday Galmudug wuxuu yiri " Waxaan ahay Madaxweynaha Galmudug, Labo Wasiirna waxaan siiyay Saleebaan, weliba Dashame Saciid Siyad Shirwac waxaan siiyay Wasiirka Bay'adda. Xildhibaanka Farax, Saabir Nur waxaan iskuugu deray Wasiirka Dekadaha iyo kalluumeeysiga badda.

Saleebaan haddii ay Qori ku qaateen Madaxweynahii Galmudug oo sharci daro ku qabsadeen Madaxtooyadda ,sidee ugu fikireen iney Labo Wasiir qaataan ? sidee ugu fikireen qabyaaladda heerkaan gaarsiisan iney ku raacaan Ex Gaandhari Qoor Qoor ?

Qoor Qoor heer kulkiisa qabyaaladda waxey gaartay inuu Kamal Dahir Gutale oo ay isku yihiin Saleebaan , Farax, Reer Muse, Reer Cumar u magacaabo Wakiilka Xiriirka Dowladda Federalka iyo Qaramadda Midoobay.

Qoor Qoor oo ay hoosta gashteen Urur diimeedyadii Wahaabiyadda Al-Shabaab, Damujadiid, AalaSheekh ,Saadicuun bil xaq iyo Al-Ictisaam wuxuu beesha Ceyr oo dadkeeda uu dhameeyay kula kacay ilhaano tii ugu xumeeyd.

Beelaha Cabsiiye, Yabardhawre kace oo ay ka dhasheen Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir wuxuu ka ilaaliyay gollahiisa Wasiiradda, wuxuuna labadii Wasiir ee beesha Ceyr isku siiyay Reer Guriceel. cadaalad daradda heerkaas gaarsiisan waxaa ka shaqeeyay Xildhibaan Mahad Salad.

Beesha Sacad Habargidir oo aan Caasimaddii Galmudug heyn, Kursigii Madaxweynenimada uu ka xoogay, ku ilhaaneeyay wuxuu siiyay Wasiirka biyaha  oo uu ku qortay nin Liiban Shuluq u geeyay, Wasiirka Warfaafinta oo uu ku qortay Malxiiskiisii tartan beenaadka Axmed Shire Falagle iyo Wasiirkiisa Amniga oo uu ku qortay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo siyaasadii Federalka ku fashilmay, weligiisna aan Hal Ceel biyood u qodin degaankii laga soo doortay ama dan Sacad ka shaqeeyn.

Beesha Mareexaan oo kursigii ugu sareeyay dalka Somalia heysata, kuna magacaaban xilka Madaxweyne ku xigeen beenaadka aan sharciga aheyn ee Galmudug wuxuu ku tixay Wasiiradii ugu badnaay sida Wasiirka Arrimaha gudaha .

Cadaalad daradda ugu weyn waxey tahay inuu kursigii Wasiirka Arrimaha gudaha siiyay beesha Reer Diini oo heysata kuraastii ugu badneed ee awood qeybsiga isagoo meesha ka saaray mudnaantii Wagardhac, Reer Siyaad Xuseen, Celi, Celi dheere iyo beelaha kale ee Mareexaan sida Reer Warsame.

Cadaalad daradda Qoor Qoor oo qori ku qabsaday Galmudug waxaa ka mida , Inuu Duduble u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Galmudug ?

Duduble waxey ka degaan Galmudug xaafado ka mida Ceelbuur laakiin halkaasi waxaa heysta Al-Shabaab taas oo ka dhigan ineysan Canshuur bixiyeyaal aheyn !!

Wasiiradda Duduble la siiyay waxaa lagu raaligeliyay Senator Dhagey Geelle laakiin kuma fadhiyaan habka cadaaladda awood qeybsiga.

Beesha Murusade oo Gudoomiye baarlamaan ku qaadatay xoog si ka baxsan sharciga ayaa la siiyay Wasiiro laakiin nasiibdaro aawgeed beelaha Hiilibi iyo Abokar waa lagu xaqiray saami qeybsiga maamulka uu hogaamiyo ninka qoriga ku qabsaday Galmudug.

Beesha Waceysle oo degmooyinka ugu badan leh Galmudug waxaa lagu xaqiray awood qeybsiga ka fog cadaaladda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip