Liiska Xagjiriinta ka tirsanaay Maamulka AlBarakat Group ee Shabaab iyo Alqaacida ku biiray kadibna shacabka laayay iyo Aamusnaanta Hormuud Telecom

0
Saturday October 19, 2019 - 02:58:24 in Warar by Super Admin
  • Visits: 4425
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Liiska Xagjiriinta ka tirsanaay Maamulka AlBarakat Group ee Shabaab iyo Alqaacida ku biiray kadibna shacabka laayay iyo Aamusnaanta Hormuud Telecom

    Saraakiisha sare ee Al-Shabaab iyo kuwa isqarxiya maxeey u wada yihiin maamulka iyo Shaqaalaha Al-Barakaat?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha sare ee Al-Shabaab iyo kuwa isqarxiya maxeey u wada yihiin maamulka iyo Shaqaalaha Al-Barakaat?

1- Amiirkii Al-Shabaab Ahmed Godane wuxuu ka tirsanaay Madaxda Al-Barakaat Group Xarunta Hargeysa.

2- Madaxa Amniyaatka Al-Shabaab Mahad Karataay wuxuu ka tirsanaay Madaxda Al-Barakaat Group Muqdisho.

3- Khalif M. Warsame (Khaliif Cadale)Madaxa NGO-yada Al-Shabaab wuxuu ka tirsanaay Madaxda Hormuud Telecom Somalia Al-Barakaat Group , wuxuuna qabaa gabadh la dhalatay Gudoomiyaha Shirkadda Axmed Nur Cali Jimcale, gabadhaas waxey degan tahay Emirates Arab.

4-Daahir Gacamey (Cabdi Al Xaq) Qaaliga guud ee Al-Shabaab.wuxuu ka tirsanaay Madaxda Hormuud Telecom Muqdisho Al-Barakaat Group .

5-Xasan Muxudiin Xasan (Bistoolad Weyne)  wuxuu ahaay Maamulaha  Hormuud Telecom Al-Barakaat Group ,Xarunta Villa Somalia. wuxuuna ahaay ninkii soo hogaamiyay oo baabuurkiisa ku soo qaaday Maleeshiyaadkii argagixisadda Al-Shabaab ee rabay iney dilaan Ra’isulwasaarahii Xukumadda.

6- Ninkii Kontoroolka Siinka dheer soo dhaafiyay baabuurkii ku qarxay Zoope 14 October wuxuu ka mid ahaay Maamulka sare ee Hormuud Telecom Al-Barakaat Group,waxaana magaciisa la yiraa Abdiweli Ahmed Diriye  sida ay daabaceen guddigga dabagalka Somalia ee la yiraa UN Monitoring Group of Somalia.

7- Ninkii Lacagta lagu iibiyay Baabuurka isku qarxiyay Zoope 14 October ka diray Austria waxaa la yiraa Mukhtar Xaaji  Maxamuud, waa Wakiilka Taaj Express ee Al-Barakaat Group. Warbaahinta Talyaniga iyo Austria ayaa magaciisa faafiyay.

8- Baabuurkaas waxaa iibshay oo lacagta lagu shubay Nin la yiraa Sheekh Xasan oo ah Wakiilka Taaj Express Al-Barakaat Group ee Talyaniga.

9- Abaabulka guud ee baabuurka isku qarxiyay Zoope waxaa maamulaayay nin la yiraa Xaaji Qaaluu Cabdi Cad Cali Jimcale oo ka mid maamulka Hormuud Telecom Al-Barakaat Group , Ninkaan waxaa u adeera Axmed Nur Cali Jimcale ,wuxuuna ka tirsan Saraakiisha sare ee Amniyaat-ka Al-Shabaab.

10- Gabadhii isku qarxisay Xarunta gobolka Banaadir ee galaafatay nolosha masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyahii gobolka Cabdiraxman Yariisow waxey ka soo baxday Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur ee Hormuud Telecom Al-Barakaat Group ay maamulaan.

Gabadhaan oo magaceeda runtaa yahay Maryan laakiin isku magacaawday Basiira Cabdi waxaa la rumeeysan yahay in dugsigaas lagu soo tababaray.

Inkastoo aysan weligeed madaxda sare ee Hormuud Telecom Al-Barakaat Group marna cudurdaar iyo magdhaw ka bixin shaqaalahooda iyo maamulkooda dilalka iyo xasuuqa heerkaan gaarsiisan geystay haddana ???

11- Xog la helay 3 October 2019 ayaa shaacisay in Cabdikariim Maxamed Kaariye loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda Al-Shabaab .

Cabdikariim Kaaiye ayaa ah Operation Manager-ka Shirkadaha Hormuud Telecom,Taaj Express, Alburuuj Construction,Salaam Bank iyo Beco Power , Albarakaat Group.

12- Xog la helay 9 October ayaa shaaca ka qaaday in Xoghayaha Lojistikadda geeska Africa ee Al-Shabaab loo magacaabay Abdihakim Hassan Iidow oo loo yaqaan Xiirane ahna Maamule sare oo ka tirsan Hormuud Telecom iyo Salaam African Bank Djibouti -Albarakaat Group.

Qofkasta oo Somalia waxaa muhiima inuu isweeydiiyo maxey argagixisadda laaya shacabka Soomaaliyeed uga soo baxaan Shirkadaha Al-Barakaat Group ?

Xaqiiqadu waxey tahay Al-Barakaat Group iyo Aas Aasaheeda Axmed Nur Cali Jimcale waxey tiir dhexaad u yihiin argagixisadda geeska Afrika, waana la hubaa iney tahay Jaamacad lagu soo tababaro oo ay ku soo bartaan dilalka iyo qaraxyadda maadama ay aaminsan yihiin ineysan Muslim aheyn dadkaan aaminsaneyn fikirkooda xagjirnimadda.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip