Habargidireey, Waxna waa caay , Waxna waa Ceeb,Waxna waa Ciil Waxna waa Cashar , waxna waa cuqubo By Dahir Alasow

0
Friday September 06, 2019 - 05:18:27 in Warar by Super Admin
  • Visits: 3776
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Habargidireey, Waxna waa caay , Waxna waa Ceeb,Waxna waa Ciil Waxna waa Cashar , waxna waa cuqubo By Dahir Alasow

    Habargidireey, Waxna waa caay Waxna waa Ceeb Waxna waa Ciil Waxna waa Cashar waxna waa cuqubo Waxna waa Cudur Waxna Caadi maaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habargidireey, Waxna waa caay Waxna waa Ceeb Waxna waa Ciil Waxna waa Cashar waxna waa cuqubo Waxna waa Cudur Waxna Caadi maaha.

In Kheyre Habargidir farta ugu yeero oo ku yiraa Maamulkiinii anigaa burburiyay ,waxaadna ku qasban tihiin inaad aqbashaan kan aan idiin dhisaayo waa Caay.

In Habargidir inteey hoos fiiriso ficil xumo darteed aqbasho wuxuu Kheyre rabo oo diiwaanka Sooyaalka lagu qoro Kheyre ayaa sanduleeyayna  waa ceeb.

In Kheyre oo Habargidir gumaaday , Galmudug dumiyay, xilalkii Federalka isir naceyb darteed ka sifeeyay beesha maanta la waayo rag ka falceliyana waa CIIL.

in Kheyre Madaxweyne Xaaf ka eryado Dhuusamareeb oo Magaalo Habargidira kadibna kuwii uu gunimadaas u adeegsaday ka taqaluso Ayagiina, taasna waa Cashar.

In Kheyre Caasimaddii Galmudug oo Nabadda geeyo Amisom iyo Saraakiishii Argagixisadda ee bac ka sii oo Sufadii tabar daro darteed u sacab tumaan taasna waa Cuqubo.

In Habargidir garan weeyso Ciidan aan la geeyn karin Jubbaland,Puntland iyo Somaliland maxaa loo keenay Galmudug, taasina waa Cudur u baahan in laga dabiibo Cidda 

in Ceyr garan waayo sidii Saleebaan Cod mida yeesha oo Dhuusamareeb ka dhiga sidii Cadaado Caasimad xora, iyo iney Cali Jeeb ku jire garoonka uga hortagaan taasina caadi maaha.

Calaa iyo xaal, Caqliga haddii uusan shaqeeyn Caqli daradaa shaqeeyn doonta sida Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir.

Ceebta ka dhoowrso, Caayda ka dhiidhi, Cudurkiiska daweey, cashar waano ku qaado, cuqubadiiska ilaali, caadi maaha sidaane.

By Dahir Alasow

Fariin bulsho iyo Fikir Abwaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip