Daawo Akhri Leeynta Somalida iyo isleeyntooda kadib Waxaa qoray Dahir Alasow

0
Sunday May 26, 2019 - 23:13:08 in Warar by Super Admin
  • Visits: 3478
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Daawo Akhri Leeynta Somalida iyo isleeyntooda kadib Waxaa qoray Dahir Alasow

    1. Shabaab & Daacish baa is laynaya 2. Dadkoodana way isla laynayaan ,iyagana weey leeynayaan. 3. Iyagana Maraykan baa wada laynaya, dadkii Soomaaliyeedna iyaga dartood baa loo leeynayaa. 4. Kii ka dhintana wuxuu ka tagayaa:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Shabaab & Daacish baa is laynaya 2. Dadkoodana way isla laynayaan ,iyagana weey leeynayaan. 3. Iyagana Maraykan baa wada laynaya, dadkii Soomaaliyeedna iyaga dartood baa loo leeynayaa. 4. Kii ka dhintana wuxuu ka tagayaa:
a) Carruur Agoon ah oo uu aabbayaa shood laayey iyo kuwo uu isagu dhalay 
 b) Dumar Carmala ama garooba ah oo uu ka dhintay iyo kuwo Raggii qabay uu ka laayey 
 c) Waalidiin gablan ah oo uu ka dhintay iyo kuwo uu Carruurtoodii ka laayey 
 d) Naafo lixaada beeshay oo isaga cuuryaan ka dhigay ama isagaaba naafoobey 
 e) Dad dhibtii uu u geystay la waalan ama buufis ku dhacay ama isagaaba waashay 
 f) Dad uu cayrteeyey oo ganacsiyadoodii uu gubay ama lacagtoodii ay xoog uga qaateen.
 g) Dad uu dalkoodii ama deegaankoodii ka qixiyey oo dibadaha ama deegaan kale ku dayacan 
 h) Dad uu shakhsiyada iyo mooralka ka diley oo shimbirtii duushaba ka cabsanaya 
 i) dad uu diinta seejiyey oo uu dhiigga muslimiinta iyo xoolohood u macaaneeyey, iyo kuwo uu diintiiba nacsiiyey , oo ka cabsanaya haddii ay Masaajidka tagaan inuu dilo ama haddii ay sunnada ka muuqato iney kuwa kufriga u ciqaabaan isaga dartii.
 j) Mooryaan badan oo uu diin uga dhigay dilkii iyo dhicii ay awal sameeyn jireen 


 5. Waxaas oo culays ah ummadda ayuu uga tagayaa oo sida uu ummadda nolosha ugu dhibay ayaa geeridiisuna dhib ugaga tageysaa!

 6. Kaaga darane masaa'ibkaas dhawr iyo toban sano xal looma helin, xal soo socdana ma muuqdo ee Raggow caqliga tuujiya oo xeelad iyo xal keena idinka oo maanka ku haya: 

 # Rag naftiisa mooyee wax kasta maaree 
 # Rag tashaday cir tararay waa toli karaa, taaka labadeede 
 # Wixii rag u koco, Rabbina aqbalo waa rumoobaan.

Soomaaliyeey xisaabtana isna xisaabiya.
Kaba soo qaad Muqdisho, labada Shabelle,Bay iyo Bakool, Jubooyinka iyo Gedo waxaa ku nool 12 Milyan oo Somalia.
Xisaabi Muqdisho kaliya immisa ayaa sanadkii lagu laayaa qaraxyo ama toos loo dilaa ?
Xisaabi Ciidanka Dowladda iyo kuwa argagixisadda immisa ayey iska dilaan sanadkii ?
Xisaabi immisa ayey diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku dilaan argagixiso Somalia iyo dad rayida ?
Xisaabi immisa ayey argagixisadda DAACISH iyo Al-Shabaab iska dileen dhexdooda sanadkii ?
Xisaabi immisa ka carartay colaadahaan iyo dilalkaan foosha xun ayaa tahriib ku dhimata sanadkii
Xisaabi immisa ayaa sanadkii u dhimata gaajo, caafimaad daro iyo xanuuno ay ka qaadeen welwelka iyo cabsida ?
Isku dar tiradda guud immisa Somalia ayaa sanadkii dhinta oo caqli daradaas u dhinta ?
Bal qiyaas haddii dhimashadu sidaas ku socoto immisa ayey sii jiri karaan 20-ka Milyan ee Somalida ? dalka immisa ayey sii joogi karaan ?
Ma arag wacyigelin iyo dadaalo ay wadaan Waxgarad Soomaaliyeed ,si loo yareeyo ama loo joojiyo dhimashadda dadka Soomaaliyeed ee boqolka weji lagu dilaa !!
Halkaas markeey taagan tahay ,waxaan is weeydiiyay "Somalida ma waxgaradkii ayaa ka dhamaaday mise waxey sugayaan in shisheeye u damqado oo dhiigooda joojiyo , iyagoo isu damqan waayey ama garan waayey dhiigiina joojiya ?
Odayga Soomaaliyeedoow, Aqoonyahankoow, Tujaarkoow, waxgaradkoow fadlan u istaag sidii looga hortegi karaa dabargoynta dadka Soomaaliyeed iyo dilalka joogtada noqday.
Wiilka gabadha Soomaaliyeed ee qoriga iyo qaraxa sitoow  ka daa leeynta dadkaaga Soomaaliyeed oo cadawga ha u soo raacin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip