Hits: 12017 |
Wednesday January 31, 2018 - 04:51:26
DIB U HESHIISIIN XAGEE LAGA SOO BILAABAA?
Hanoolatadii dadkii lagu boobay , Daakhiliyadii dadkii lagu dhacay , Dowladii 1960_69 dadkii looga eexday, Kacaankii 1969_1990 dadkii hantidooda la qarameeyay dan guud inta lagu sheegay dad gaara la siiyay , Beeraha dadkii lahaa inta laga xoogay dad aan falan aqoon la siiyay , dhul qofkii lahaa inta laga xoogay qof kale la siiyay iyo gabood faladdii kacaankii dadkii ay ku dhaceen sida baraagihii dadkii laga duugay, dadkii diyaradaha lagu weeraray , dadkii qaba'ilada dariska ah inta laga adeejiyay oo lagu hubeeyay laguna wax yeeleeyay, Mise Jabhadihii ay u horeeyaan SSDF, SNM, USC IYO SPM dadkii ay wax yeeleyeen xasuuqeen dhaceen qaar guryahoodii ay dageen qaar ilaa iyo hada laga haysto , Marka dalkaan sida muuqata 1940 ilaa iyo 2017 waxaa jira is boob is xaqirid is dhicid iyo marba qolo qolo kale dul saarid . Dib u heshiisiin xagee laga soo bilaabaa?? Hadii la yirah Jabhada waxa ay haleeyeen halaga heshiiyo aaway powerkii dowladnimo wixii lagu haleeyay ee uu kacankii u danbeeyay dadkii lagu dulmiyay ? Sida muuqata waxaa maqlayay odayaal , Siyaasiyiin iyo haween ayaa laysugu geeyay Hotel ma idinla tahay inta Hotelka isugu tagtay in ay ayagu is dagaaleen , is boobeen ama wax kala heystaan ? Waxaan arkayaa meel aysan jirin in laga raadinaayo dib u heshiinta , waxaan soo jeedin lahaa in laga sameeyo marka hore Cilmi baaris si hufan looga soo shaqeeyay waxa ka soo baxa cilmi baaristaana lagu dhaqmo ee dhowar qofood oo meel laysugu keeno ma aha meesha ay jirto dib u heshiisiinta dhabta ah.
Qore. Nucmaan sh cumar ( Tuure)...
Click here to watch