Videos

Daawo Sheekh Kishki Ma Sheekh baa? mise Baadari faafiya Diinta Islaamka?

Hits: 13992 | Wednesday January 03, 2018 - 09:54:14
Sheekh Kishki Ma Sheekh baa? mise Baadari faafiya Diinta Islaamka?

Click here to watch

Daawo Somaliland oo Ethiopia u dhiibeysa Wariye Coldoon

Hits: 10251 | Tuesday January 02, 2018 - 12:07:01
Somaliland oo Ethiopia u dhiibeysa Wariye Coldoon

Click here to watch

Daawo war soo kordhay weerarkii guriga Qeybdiid iyo magacyada Saraakiil cusub

Hits: 8565 | Sunday December 31, 2017 - 07:53:29
Daawo war soo kordhay weerarkii guriga Qeybdiid iyo magacyada Saraakiil cusub

Click here to watch

Daawo Live Dahir Alasow Saraakiishii weerartay guriga Jeneral Qeybdiid iyo qabiiladooda

Hits: 17809 | Sunday December 31, 2017 - 07:48:06
Daawo Live Dahir Alasow Saraakiishii weerartay guriga Jeneral Qeybdiid iyo qabiiladooda

Click here to watch

Daawo Sheeko Dikaan Jaceyl Part 3 Waxaa qoray Dahir Alasow

Hits: 2150 | Saturday December 30, 2017 - 09:32:12
Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow – 3-aad ------- Codad tiiraanyeeysan iyo Taah ayaa dhegaheeda ku dhacayay, markay gaartay albaabka hore guriga hoobiyaha ku dhacay, waxay maqashay ashahaadka codka hooyada guriga degan oo u muuqday inay aad u liidato. Niyada ayey gashatay in Maamo Haweeyo dhaawac liita tahay reerkii kalana baaba'een ,durbadiiba deriska ayaa u soo gurmaday oo wixii dhaawac ahaa dhabarka ku daad gureeyay. Nasrudiin inkastoo dalku uu joogo dagaal sokeeye lahayn hadana wuxuu ku waabariistay daal iyo dil diloon hurdo la'aaneed, waxaa galay dareen wayn damac saa'ida oo kala darsay amooraha ugubka. Inkastoo duruus waxbarasho uu lahaa hadana daal iyo dhafar hayey awgiis subaxdii ma tegin Jaamacada. Nimco Faaarax oo hurdo xumo iyo hoobiye manaxaana ku waabariisatay hadana halkeeda ayey ka sii waday howlihii jacaylka, waxayna labada dhinac bilaabeen in habeenkii xiliga dambe teleefan ku sheekaystaan hase ahaatee Nasrudiin wuxuu wataa Mobile gacanta, oo sariirtiisa ku dul haysto,xitaa haduusan haysan wuxuu joogaa dal nabada oo xiligi uu doono socon karo, Nimcase Muqdisho ayey degan tahay oo maqribkii dibad aanan loo bixi Karin,hadiiba ay minankeeda ku amaan hesho. Dareenka xusid mudan wuxuu yahay,degaankooda waabari waa meesha ugu dilka iyo dhaca badan, iyana ma dareento oo xili dambe ayey ka timaadaa xaruun telefoonada laga diro oo ku taal wadada koowaad ee Suuqa Bakaaro,Howlwadaag. Maamada dhashay iyo aabaheed ayaa canaan kala daalay habeen walba oo leh xagee ku soo daahday,oo aad ka socotaa xiligaan? , Nasrudiin ayaan teleefan u diray ma dhihi kartee habeen walba, waxay tiraahdaa gabar hebel ayaan la joogay. "Adoo Meel fog joogoo, ii muuqaneyn baan,maqlayaa codkaagee"Saq dhexe iyadoo ku soo daahday teleefankii Nasrudiin oo u bixi waayay ayey tagtay guriga,cabsi weyn ayaa hareeysay.siday xiligaan u garaacayso ganjeelka guriga,tuugo kama cabsi qabtee, Aabe iyo hooyo ayaa ku soo kacaya garaaceeda,waxay go,aansatay inay darbiga ka boodo oo aysan garaacin, iyadoo iska hubinaysa in banaanka guriga la fadhiyo iyo in kale ayey isha saartay duleelka gan jeelka. Qooraansi iyo is war wareejin ay ku bidhaansaneysay barxada guriga waxay hambariirsi ku aragtay hooyadeed oo gambar ku neg barsada hore.Naxdin ayey Qac tiri,walaac iyo isweydiin ayey wajahday,waxay niyada iska tiri," Malaha waa qalbigaada ee mar kale qumaati u eeg" Iyadoo indhaha la sii raacee,cabsi darteedna uu dhidid dusheeda harqiyay, ayey dhegaheedu maqleen,dhawaaqa codka aabaheed oo leh" Waryaa maxaad fiirineysaa"? Inta tabarta awooda idlaatay,hadalkana ku dhegay ayey dhabarkeeda bacleeshay,waaba aabaheed Faarax oo la soo habeensaday Xaaji Cabdi Aw Muunye oo xaaskiisii Haweeyo bukaan socod tahay. Cod kulul ayuu mar kale ku celiyay Xaaji Faarax,wuxuu ku yiri" Maxaad sida tuugada daldaloolada u hambariirsaneysa saacadaan" Nimco oo shik shik naxdineed la ildaran ayaa cod sare isugu qiil raadisay "Hooyaa guriga iga soo burisay oo aan rabay inaan iska tuug tuugo Aabe" Xaaji Faarax oo jawaabta Nimco la yaab ku noqotay ayaa cod sare dhawaaqay oo yiri" Hooyo ayaa I soo burisay aaa"? Inta aysan Nimco jawaabin ayey Hooyadii oo gudaha ka maqleysay hadalka Faarax,la soo booday "baraka beesho been badanaa,hadaa u socoda sideey galabta u baxday,waa gabadh badraantay ee soo geli gudaha" Xaaji Faarax oo kuuraya ayaa Nimco garbaha qabtay,oo gudaha u hantaataqshay,waxaana ka hor yimid oo gacanta ku dhegay Hooyadeed Seynab. " Sow tan la yiraa gabadh iyo hooyadeed waa saaxiib,xaaladu ma fiicnee,iskala hadal Maamada" ayey Nimco Faarax isku maaweelisay,waxayna jurbo ama qanjaruufo iga qaleeya dhab dhahday hooyadeed. Hooyo Seynab jurbadeeda maba dareemin oo ciil iyo caro waalid ayey kax la ahayd,waxaana Nimco loo qooshay Maxkamad Xabsi guri. Xeerka Dhaqanka Somalida ayey muteysatay Nimco,waxaana dusheeda mar labaad ka Onkoday garbaash,ilaa ay ku calaacashay,iga joojiya usha,waan sheegayaa meesha aan ku soo daahee. "Sheekh Faarax usha ka jooji,Naayaa sheeg oo runtana sheeg" ayey Hooyo Seynab ku indha kuurtay. "HADAL II DABOOLNAA,DADKA AAN KA QARIN JIRAY,AYEY DANI U TIRI SHEEG" "Hooyo aniga wiil ayaan jeclahay isaga ayaa idiin imaan doona mardhow,ee hala iga dhafo dilka iyo goodinta joogtada ah" Hooyo Seynab jiljileec iyo garwaaqsi ma gelin qirashada gabadheeda . "Jajab oo Jiisoow,Jaceyl goormaad gaartay"ayaa loogu jawaabay, kadibna silsilad dheer ayaa lagula xiray sariirta, Fara muraxa iyo fikirka hayo Nimco Nasrudiin ma oga balsa wuxuu farxad xumo dareemay markuu war iyo wacaalkeeda waayay dhoowr habeen maxaa yeelay waa isbedel Uguba. Nimco ma leh awood ay ku aado taleefoon waxaana Niyadeeda ku

Click here to watch

Daawo Sheeko Dikaan Jaceyl Part 2 Waxaa qoray Dahir Alasow

Hits: 1522 | Saturday December 30, 2017 - 09:28:48
Sheeko Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Alasow – 2-aad Nasrudiin iyo Nimco Faarax sheeko dheer ka dib waxaa lagu balamay in la wada xiriiro ,wuxuuna u sheegay inuu lacag u soo dhigi doono ayna ku heli doonto sida ugu habooneed qaab Xawaaleedkii waqtigaas ee ku qasbayay inuu Nairobi ku xawilo, oo taar loogu sii xawilo Muqdisho. inkastoo Nasrudiin uu dareemaayey qaboow farabada oo dhacaayey hadana dib ayuu ugu laabtay jiifkiisa isagoo riyo maalmeed ku joogo xaafadiisii Waaberi. Nimco Faarax iyadoo farxad iyo rayrayn ka muuqato ayey ku gurya noqotay xafadeedii,intii ay jidka ku sii socotay waxay gudo gashay muuqaal xasuuseed iyo xiligii dowladnimadda, dagaalkii ka danbeeyey, diiftii iyo dacdaradda uu dalku ka dhaxlay daarihii burburay,dadkii la dilay iyo dareen la'aanta dablayda hubaysan ee daadsan wadooyinka degmadda Waberi. Markii ay guriga tagtay waxay isku dultuurtay sariirta si ay dib u qooraansato dulucdii war ee Nasrudiin ay isla darandooriyeen daqiiqadihii yaraa ee farxad ahaan u dhigmay saacado,baahina ka yaraa,hal daqiiqo. Falanqeyn dheer,sheekadii dhexmartay ,dhankasta hadii ay u rogtay,hadal walba muraajaceysay kama aysan dhex helin kalmado huwan hadal dahsoon oo Nasrudiin ku doonaayay xariirkeeda gabarnimo marka laga reebo tan walaaltimo. Nimco Farah,lafteedu waa noole,naf iyo sheydaan ay la xiriiraan,waxaana qudheeda galay damac jaceyl maxaa yeelay waa gabadh aan nolosha guurka dhadhamin macaan iyo qaraar. "Way tagtay aroosyo badan,gabdho ay saaxiib yihiin way kaga sheekeeyeen farqiga u dhaxeeya guurka iyo guur la'aanta,lafteeda umi maaha oo rag badan way la haasaawday,waxaase xaqiiqaa inaysan midkoodna ku qancin,maxaa yeelay Magaaladu waa Madfac dhacaya,Meyd wado yaal,Mooryaan qori sita,mid Marqaana,maskax kala fiiga. Nafteeda ayey la murantay,marba dhanbeey milicsatay,moowjado badan ayaa ku furmay,ma hiigaanbaa hareeyay,madaxeey kalideed ruxday,maankeedu wuxuu jecleeystay inay muxubada jaceyl,Macaane ila wadaag tiraa Nasrudiin. Masalo badan Jaceyl,miyaad moog tahay inay naftaada maqsuud ku tahay,muraayada eegmadiyo ,hadaan midig,bidix lahayn,waxaad mohataa rajadu,miyaa la maleeyn karaa?,Muuqaalka u daa naftoo,marka hore maseejis sii,masawiradana raaciyoo,markaa maskaxdiisa eeg. Waxay muusanaawdaba, waxay hoosta ka xariiqday inay dhankeeda ka biloowdo xiriir Jaceyl,xaajadu ma foga,xaalkuna ma dhawa,Xamar iyo Stockholm,xeeb iyo dhul ma wadaagaan,xarbi ahli Xamar,xaalad wanaagsan Sweden. Dumar ayey u tahay damaca jaceyl,hadii dadku weydiiyaan way iska diidaa,oo dulucdii Caro weelo ayey ka deb qaadataa. Dadaalka Nasrudiin ma yara,dareen guur kuma jiro,dagaalo inay dalkii la dageen wuu ogyahay,biilkana waa u soo diraa,dood kama taagna oo wuxuu uga dan leeyahay in da' yaraantii ay dadka iska xigeen,dugsi qur ,aan isla dhigteen . DOOQU WAA BALAAYEE, Nimco waxay af daboolnaato subaxdii dambe ayey damacday inay dareenkeeda sheegato,naftaa u diiday,dabcan waa astaan dumar iyo jaceyl ,dabadeed dadaal dheer waxay horseed u noqotay inay dad baxaya doon doonto,oo hadiyad ahaan ugu dirto dulucdii isbedelkeeda dareen iyo sawiro ay ku leedahay ila daawo,dul iyo dacal iga eeg,hadaan dal nabadda dirin kugula seexdo,diihaalka ka bogsoodo,soow daadah maaha Sheekada? Wax Raagga rag kuma samaa la yiri,dadkii ay hadiyadda iyo fariinta ugu dhiibtay dalkii Sweden ma tegin oo Dubai ayey ku hakadeen,laakiin dabcan Nimco maalintii waxay la tahay bil. Nasrudiin 9 bil ka dib 9 :00 Pm fiidnimo waxaa u bilaabatay sheeko hoosaad iyo is xasuusin taariikhihii duugoobay ee ay soo wadda mareen qosol iyo kaftan ka dib Nimco ayaa hadalkii qaadatay oo tiri "Nasrudiinoow ma guursatay"? "Maya Walaashiis ma guursan" ayuu ku jawaab celiyay. "Waheey wah,waan ku gartay walaal macaan ee maadaama aadan weli guursan waxaa jeclaysta inaan aniga iyo adiga mustaqbal wadaagno,wada sheekaysano heer guur maxaa yeelay si kale kuma kala sheeka bogan karno ee maxay kula tahay"?ayey tiri Nimco oo rabta in ay ogaato wuxuu ka qabo fikirkeeda !! Nasrudiin oo filan waa ay ku noqotay indha'adeega mutuxan ee Nimco damaceeda daaha uga qaaday ayaa yiri "haa abaayo waa sax ,waa arin fiican waxaad nala jeceshahay waa soo dhaweynayaa" Sheeko ugub jacayl ayaa labada dhinac la isu jiibiyey,daqiiqado badan ka dib ayaa la balamay . Qof waliba isagoo dhegta ka daalay, dhabarkana ku xambaarsan duco qabo jacayl ayey kala tageen . Diihaal badanaa jacayl haduu degdeg iyo dahsoon u dago daaraha laabta ,hadal waxii dhex maray ,hamuun qabayaasha jacayl,wuxuu himilo leeyahay ayey dib u higaadiyeen,markii haasaawahii idlaaday. Haa waa runteed,haa waa runtiis, habeenku dheeraa, hurda ma leh waxaa hareeyay xusuus ,Waa habeen aan la halmaami karin ebid. Heeso jacaylbeey sida hobol ku waasheen.inkastoo aysan war iska heeyn heerka isku midkaa ee habeenkaa. Nimco oo hurdo gami la' ayaa maqashay jugta hoobiye ku habsaday guri ka soo hor jeeday, hal haleel ayey dibadda uga booday.

Click here to watch

Daawo Sheeko Dikaan Jaceyl Part 1 Waxaa qoray Dahir Alasow

Hits: 1244 | Saturday December 30, 2017 - 09:22:09
Dikaan Jaceyl,W/Q Dahir Abdulle Alasow – 1-aad Waxay ahayd xili dagaaladdii sokeeye burbur iyo colaadii laga dhaxlay ay dadka reer Muqdisho ka soo kabanayeen. Ma jirin Internet laakiin agagaarka Suuqa Bakaaro ayaa laga furay Xarumo Isgaarsiin oo dadka saf dheer u geli jireen. Nasrudiin waa 21 jir ku nool Dalka Sweden gaar ahaan Caasimada Stockholm balse ku dhashay Muqdisho.Waxaa bilahii ugu dambeeyay maskaxdiisa hareeyay xasuus huwan xiiso walaalnimo oo uu naftiisa ku waydiinayo gabadh ay yaraantii,isku Iskuul,isku galas,isku dugsi,isku xaafad iyo xulufo ahaayeen,caruurtana si qaasa ay iskaga jeclaayeen maadama ciyaarta iyo sheekada isugu bixi jirtay. Nasrudiin wuxuu la xiriiray walaalkiis oo si wayn u yaqiinay gabadha ku taagan laabtiisa ee Nimco Farah wuxuuna ka codsaday inuu baadi goobo oo nolosheeda uga soo waramo hadiiba ay ka badbaaday rasaastii dagaalada Sokeeye ee Muqdisho lagu riiqmay. Codsiga Nasrudiin ku doonayo Nimco Farah kuma uu jirin damac saaxiibtinimo iyo xiriir guur toona,waxaase xasuustiisa ku weyn in Nimco Farah ay ahayd gabadh ay soo wadda mareen dhalinyaranimo lama iloobana laakiin nasiibdaro uusan war iyo wacaal u heyn ,tan iyo markii uu Muqdisho ka dhoofay 1988 xilligaas oo Nasrudiin waxbarsho u tegay Stockholm. Nasrudiin Walaalkiis Nasir inkastoo maskaxdiisa ay ka guuxeysay tuhun la xiriiray inuu Nasrudiin Caashaqsan yahay Nimco Farah hadana si dhib yar ayey gabdha ay is yaqaaneen ugu geeyeen Nimco Farah,wuxuuna salaan iyo bariidan gaaban kadib u sharaxay in walaalkii Nasrudiin uu jeel u qabo warkeeda iyo wacaalkeeda nolol ama geeri. Kaftan iyo kala warqaadasho dabadeed wuxuu Naasir gudoonsiiyay Nimco telefoonadii gacanta iyo guriga ee Walaalkiis Nasrudiin . Nimco Farah oo farxad iyo fikir u dhaxeysa.maskaxdeedana ay hareeyeen moowjado shucaac su-aalo badan oo ay isku weydiineyso fariinta lama filaankaa ee kaga timid Nasrudiin waxay ujeedo hoose xambaarsan tahay ayaa ilaa illinka gurigeeda waxay si tabar yari ka muuqato ku sagootisay Naasir. Naasir ma dareemin in Nimco dhidid badan jirkeeda hareeyay markii uu aqbaarta Nasrudiin u sheegay laakiin markii ay ka soo laabatay ayey kaligeed faqdeysatay. "Wegereey Aduunyo,ileen la isma waayo,wiilkii Nasrudiin miyaa walaalkii ka codsaday inuu warkeeyga iyo wacaalkeeyga baafiyo,wax jiraa allaa og,waxaase isweydiin badan waxa jira ee aan ka war heyn,waxaase iiga sii daran,wadada aan u marayo lacagtii aan ku wici lahaa iyo hadii laga fursan waayo sida aan waalidkeyga ku waydiin lahaa" ayey iskula hadashay Nimco Farah oo hoos u foorarta,xasuusteedana ay horkeentay muuqaalkii berri samaadka ee suurada Nasrudiin. Hiloow dartiis habeenkii hurdo badan ma ladin Nimco wuxuuna Waaga u dilaacay iyadoo ku guda jirta gorfeynta cidda ay ka heleyso lacagtii ay ku wici lahayd Nasrudiin. Koob qaxwaa oo dheer ayey qaadatay,waxayna mar uu haaf marayay ka dhex aragtay gabadh ay saaxiib ahaayeen inay sheekada u sharaxdo kana qaado lacagta telefoonka. Labo labo iyo shaki ma gelin ee iyadoo aan qaxwada dhameysan ayey hore kobaha ka ilatay waxayna 23 daqiiqo oo luga ku gaartay gurigii saaxiibteed oo ku yiil degmada Howlwadaag. Nimco Saaxiibteed markii ay sheekada u kala dhigtay waxay la soo booday,"WARBA ADAA LEH,MAXAAD SUGEE MAAD WACDID HEE"?. " Lacagtii aan ku wici lahaa ayaan kuugu imid"ayey Nimco ku kaftantay. " Boqol kun Sh.Somali,dhab dheh ee bood oo la hadal hada"ayey Nimco Saxibteed Simoon ugu laab qaboojisay. " Saxib hada meeqo saac ayey u tahay Sweden ,maxaan kala horeynaa horta waqtiga"ayey Nimco waydiisay saaxiibteed Simoon. " Sweden iyo arli kale saacadiisa ma aqaane iska wac,hadii lagaa qabtana arag hadaan lagaa qabana arag ama hadaad doonto waydi wiilasha jooga Xarunta Telefoonka Olympic"ayey Simoon ugu jawaab celisay Nimco. Nimco sheeko kale siima geline durba waxay u huleeshay Xaruntii Telefoonka ee ku tiil jidka 1-aad Suuqa Bakaaro ee isla degmada howlwadaag. Xilli Saacada Sweden aheyd 6:00 AM laakiin ay Muqdisho u ahayd 8:00 AM ayey garaacday. Nasrudiin oo macaansanaaya hurdada ayaa durbadiiba qabtay Telefoonka,{Helloow ma Nasrudiin Baa waa Nimco} ayey ku tiraabtay, {Haa Abaayo waa Nasrudiin ee ii waran} ayuu ugu jawaabay, Farxad iyo ooyin ayaa la isku jiibiyey,waaw allaa ,ma nooshahay,intee joogtaa,waxaa u biloowday sheekadii lagu yaqiin wejiyaal is xasuustay,la soco qeybta 2-aad ee Taxanaha Dikaan Jaceyl. W/Q Dahir Abdulle Alasow

Click here to watch

Daawo Amisom oo Villa Somalia ka baxeeysa iyo kulankii ay la qaateen Farmaajo oo hanjabaad ku dhamaaday

Hits: 14928 | Thursday December 28, 2017 - 10:44:18
Shir adag oo dhexmaray taliyayaasha AMISOM & Farmaajo oo natiijo la'aan ku soo dhamaaday! Kulankii labaad ayaa maanta Villa Soomaaliya ku dhexmaray, taliyaasha ugu sareeya Ciidanka nabad ilaalinta Afrika (AMISOM) ee kala ah Gen. Subagle oo ah taliyaha guud ee AMISOM & taliye ku xigeenkiisa Gen. Paul Lockej iyo dhanka kale Madaxwyne Farmaajo & Raysulwasaarihiisa Kheyre, kulankaan ayaa daba-socday qalalaasihii siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka jiray caasimadda Muqdisho. Kulankii hore oo dhacay khamiistii la soo dhaafay 21 December ayaa taliyaasha AMISOM waxey madaxweynaha hordhigeen welwelka ay ka qabaan qalalaasaha siyaasadeed ee gacan ka hadalka isku bedeley ee lagu beeGsanayo siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo qabiilooyinka qaarkood, waxeyna madaxweynaha u sheegeen in aysan AMISOM raalli ka ahayn sida wax u socdaan, sidaas darteed waxey bixiyeen talo ah in sida ugu dhaqsaha badan xal nabdeed looga gaaro muranka jira, Maadama AMISOM aysan raalli ka ahayn in siyaasiyiin si nabadgalyo ah aragtidooda ku gudbisanaya la caburiyo. Madaxweynaha ayaa dhankiisa ballanqaaday in uu arrinta dhamaynayo, aysanna soo noqon doonin mar danbe arintaan oo kale. Ballanqaadkii madaxweynuhu wuxuu noqday mid uu waqti ku gadanayo, wuxuuna sidii u sii waday daandaansigiisii siyaasiyiinta iyo siyaasaddii caburinta, asagoo adeegsanaya maxkamadaha dalka, dhanka kalena waxaa magaalada Muqdisho ka socday abaabul hubaysan oo qabiilooyinka labada daan Muqdisho kala degan ay wadeen kaasoo la isugu diyaarinaya in la iska daafaco daandaansiga aargoosiga huwan ee Farmaajo iyo kooxdiisu ay ku beegsanayaan dadka deggan Muqdisho.

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow oo ka jawaabay caayda cunsuriyiinta Daarood ee caayay Isaaq

Hits: 13416 | Wednesday December 20, 2017 - 11:27:33
Daawo Dahir Alasow oo ka jawaabay caayda cunsuriyiinta Daarood ee caayay Isaaq

Click here to watch

Daawo Sirculus -Xildhibaan kashifay Farmaajo oo dalbaday Ciidan ajnabi si uu Hawiye ugu gumaado iyo kuwa beeleed uu qortay

Hits: 13509 | Saturday December 16, 2017 - 05:22:53
Daawo Sirculus -Xildhibaan kashifay Farmaajo oo dalbaday Ciidan ajnabi si uu Hawiye ugu gumaado iyo kuwa beeleed uu qortay

Click here to watch

Daawo Warculus- Mooshinkii Farmaajo oo si rasmiya loo saxiixay

Hits: 7528 | Friday December 15, 2017 - 05:18:06
Warculus- Mooshinkii Farmaajo oo si rasmiya loo saxiixay

Click here to watch

Daawo Magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay Ciidanka Boliiska Xamar

Hits: 12456 | Friday December 15, 2017 - 04:20:19
Weerarkaasi Qaraxa ah waxaa ku dhintay inta la ogyahay 19 Askari oo Boolis ah, tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen. Haddaba Kumuu ahaa Ismiidaamiyuhu.? Waagacusub Media ayaa illaa iyo Saaka ku daba jirtay Xogta Ismiidaamiyaha, waxayna ogaatay inuu ahaa Nin ka tirsanaa Kooxda Alshabaab oo lagu magacaabo Maxamad Nuur Guutaale oo Qabiilkiisu yahay Habargidir-Saruur.

Click here to watch

Daawo Heesta ilwaad quruxeey iyo Dahir Alasow 6 May 1967

Hits: 5045 | Friday December 15, 2017 - 03:46:29
Hees Amarkaa sidaa wax yiree, ilwaad quruxeey , Erayadda Cumar Dhuule, Laxanka iyo Codka Xasan Diiriye. Waxaa Radio Muqdisho lagu keeydiyay 6 May 1967

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow Vs Xildhibaankii Mareexaan ee caaytamay iyo Sheekhii qabyaaladda waashay

Hits: 13519 | Wednesday December 13, 2017 - 02:05:18
Kulankii Talo Wadaag ee Hotel Syl waa leeysku riiqmay maanta. Waxaan soo wadaa Video-yaddii ugu yaabka badnaay taariikhda oo Siyaasiyiin caana hilfaha isugu qaadeen maanta. Xildhibaan CabdiShakuur Gaal eri oo ka hadlay madasha wuxuu yiri "Dowladda waxaa burburinaya sagaal Siyaasi oo isku beela,kuwaas oo ka soo jeeda beeshii Siyad Barre ka tuurtay Xukunka, waxaana ka mida Cabdiraxman Cabdishakuur,waxeeyna lacag ka soo qaateen Dowlado shisheeye" Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mida taageerayaasha jadbeeysan ee Farmaajo ayaa madasha ka istaagtay.waxeeyna tiri " Waxaan ka mid ahay taageerayaasha jadbeeysan ee Farmaajo laakiin haddii Xildhibaankii Mareexaan maanta meeshaan ka sheegay iney Dowladda burburinayaan sagaal Siyaasi oo isku qabiila, anigana waxaan maanta laga bilaabo ku ahay toban ee sidaas ha inoo ahaato" Xildhibaan u dhashay Baciidyahan Daarood ayaa madasha ka istaagay,wuxuuna yiri " Xildhibaan Gaal eri hadalkiisa waa ku kaligiis, kumana hadli karo afka Daarood, dowladaan waa fashilantay annaga dhan ayaana u diyaara inaan ridno" Xildhibaan Fiqi ayaa madasha ka hadlay wuxuuna yiri " Xasan Sheekh Dowladiisa ayaan mucaaradeeynay, weligiisna naguma sheegin qabiil iyo inaan Shisheeye u shaqeeyno, waa nasiibdaro inuu Xildhibaan Qaran muujiyo cadaawad uu beel gaara u qabo laakiin waa sii wadi doonaa Mucaaradka iyo inaan saxno hogaanka qaldan" Xildhibaan kale oo aan idiin qariyay ayaa isagana wax la yaab leh sheegay. Cabdiraxman Cabdishakuur waa qoslaayay markii uu Gaal eri hadlaayey,wuxuu u muuqday inuu ku raaxeeysanayo cataawga iyo oohinta kuwa siyaasadda ku fashilmay ee qabyaaladda dilootay. @habiqleyso Group .

Click here to watch

Daawo Taxanaha Dahir Alasow iyo Xulka heesahii Berisamaadka

Hits: 6588 | Tuesday December 12, 2017 - 01:52:14
Taxanaha Dahir Alasow iyo Xulka heesahii Berisamaadka

Click here to watch

Daawo heesta Keenaa Gardaran iyo Dahir Alasow 13 January 1970

Hits: 6604 | Monday December 11, 2017 - 00:40:21
Hees Keenee Gardaran. Cabduqadir Nageeye iyo Xareedo ismaaciil Duniyo Erayadda iyo Laxanka waxaa sameeyay Yusuf Laangare 13 January 1970

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow oo Ticket iyo lacag ugu deeqay Ciyaartooyda Galmudug iyo Senator Abshir Bukhaari oo kun dollar u ballanqaaday Laacibkii Gool dhaliya

Hits: 7443 | Sunday December 10, 2017 - 23:57:46
Daawo Dahir Alasow oo Ticket iyo lacag ugu deeqay Ciyaartooyda Galmudug iyo Senator Abshir Bukhaari oo kun dollar u ballanqaaday Laacibkii Gool dhaliya

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow oo ka hadlay gefka Dayax Dalnuurshe iyo sida looga adkaan karo Argagixisadda

Hits: 19085 | Saturday November 25, 2017 - 04:47:22
Daawo Dahir Alasow oo ka hadlay Caasinimadda Dayax Dalnuurshe, Sida lagu adkeeyn karo amniga iyo arrimo xasaasiya

Click here to watch

Daawo heesta Hooyo oo ka ilmeeysiisay Fanaaniintii iyo Wariyeyaashii ka qeybgelaayay barnaamijka

Hits: 10428 | Thursday November 23, 2017 - 04:43:52
Daawo heesta Hooyo oo ka ilmeeysiisay Fanaaniintii iyo Wariyeyaashii ka qeybgelaayay barnaamijka

Click here to watch

Daawo kuma Muse Biixi Somaliland By Dahir Alasow

Hits: 10479 | Wednesday November 22, 2017 - 14:51:15
Dahir Alasow Boobkii Somaliland Waa kuma Muse Biixi ?

Click here to watch