Videos

Daawo Dahir Alasow oo gabadh u diray dhambaal Jaceyl

Hits: 5967 | Wednesday June 27, 2018 - 06:09:13
Dhambaal ku socda gabadhaan calmaday !! Gacaliso waxaan kuu jecelahay in ka badan inta Soomaalidu madaxnimada jeceshahay. Jacaylkaagu wuxuu qalbigayga u degay sida qabyaaladdu Soomaalida qalbigooda u degtay. Waxaan kuugu riyoodaa sida Somaliland ictiraafka ugu riyooto. Waxaan ku faanaa inaad tahay gabadhii ugu horaysey ee aan jeclaado sida Puntland ugu faanto hooyada iyo  aabaha  Federaalka. Markaan ku waayo waxaan kuugu murugoodaa sidii mas'uul Soomaaliyeed oo xilkii laga qaaday u murugoodo. Jacaylka aqoon badan uma lihi sida siyaasiga soomaaliyeed ba aqoon badan ugu lahayn siyaasadda. Waxaan rabaa markaan is  guursano inaad biilkaaga   ka sugtid qaraabadaada,  sida Soomaaliya Beesha Caalamka deeq uga  sugto. Waxaan kaaga welwelaa sida ciyaalka tahriiba waalidkood uga welwelaan. Waxaan jeclahay inaad jacaylka si siman iila wadaagtid sida 4.5 soomaalidu wax uwadaagto. Waxaan jeclahay inaan iska kaa weheshado adiga oo aan waxba i tereyn sida calamada maamul goboleedada. Marabo inaan kaa quusto sida ictiraafka Somaliland. Manarabo inaan adigoo  i nacay   jacayl been ah iska dhaadhiciyo sida Muuse Biixi. Xabiibtii inkasta oo aan aad kuu jeclahay hadana marabo inaan isdhiibo sida Cali Khaliif. Manafiicna inaad sidaas iibahdishid sida Baashe oo jacaylka igu feertid. Intaas kabadan kuuma dulqaadankaro sida  reer Boorame Hargeysa ugu dulqaataan. Manarabo inaan kuu naco sida Reer Buuhoodle Somaliland u naceen. Gacaliso jacaylkaygu maaha mid afka baarkiisa  ah sida reer Laascaanood. Runtii dulqaadkii wuu iga dhamaaday sida Puntland. Manarabo inaan ku khasbo adiga oo aan i rabin sida somaliland. Waxaan rabaa inaad iiga dambeeysid sida Farmaajo uga dambeeyo Kheyrlawe. Hadalkeeyga ha u qaadan sida Faanka Kheyrlawe Halkaan kuu wado waa doog iyo barwaaqo,anigaana kuu soo arkay. Ballanteeyda maaha tii Farmaajo intaan la dooran ka hor. i rumeeyso Markaan ku arko waxaan kuugu farxaa sida  maamul goboleedadu ugu farxaan lacagta imaaraadka (UAE). Waxaan rabaa inaad i afgaratid sidii baarlamaan mooshin keenay. Adigaan kaa warsugayaa  sida wadahadalada Khaatumo. Manarabo inaan kuu calaacalo inaad balanteena fulisid  sida Cali khaliif Galeydh. Macaanto ha igu qasbin inaan lacagta arooskeena soo tuugsada sida Puntland u soo tuugsato Ciidan Beeleedyadda markasta ay suurtagal tahay iney difaaca Tukaraq ka baxaan. Haddii aan ku hello waan ka maarmay gabadh kale ,sida Ethiopia uga maarantay Gabre markii ay Farmaajo heshay. Waan kaa rajeeynayaa inaad naftaada ii hibeeysid sida kooxda Nabar iyo Naxdin dekadaheena ugu hibeeyeen Ethiopia. Dhambaalkaan Facebook ayaan dhigi doonaa, waxaan kaa rajeeynayaa Like back iyo Love tira badan.

Click here to watch

Daawo dilalka Bajaajlayasha Xamar iyo dalacsiinta Askartii dishay 102 wiil

Hits: 5565 | Sunday June 24, 2018 - 10:28:10
Daawo dilalka Bajaajlayasha Xamar iyo dalacsiinta Askartii dishay 102 wiil

Click here to watch

[Daawo Dahir Alasow] Sirculus sababta Farmaajo u hoos tegay Ethiopia

Hits: 8477 | Friday June 22, 2018 - 23:29:33
-Dowladda Mareykanka ayaa wadata Ra'isulwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed si ay meesha uga saarto danaha China iyo Ruushka. sidoo kalena waxeey doonayaan in Ethiopia la wareegto Somalia si looga saaro Turkiga iyo Iiraan. - Dowladda Mareykanka oo murankii Masar iyo Ethiopia xalisay waxeey kula ballameen Ra'isulwasaare Abiy Ahmed inuu furo Shirkadaha gaarka loo leeyahay si loogu tartamo qandaraasyadda iyo Mashaariicda hadda ku kooban gacanta Xukumadda Ethiopia. Mareykanka waxeey tabtaan u arkaan xalka ugu fudud ee China looga guuleeysan karo maadama Dowladda Ethiopia China siisay mashaariic balaaran. -Dowladda Mareykanka waxeey la hadashay Saudi Arabia iyo Masar iyagoo ku cadaadiyay iney Madaxweynaha Eretria uu aqbalo wada hadal uu la galo Ra'isulwasaaraha cusub ee Ethiopia si gobolka looga saaro China,Russia iyo Turkey. -Dowladda Qatar horey ayey u taageersaneed Ethiopia laakiin Mareykanka ayaa Emirate-ka weeydiistay iney Ethiopia siiyaan seddex Bilyan oo dollar si Ra'isulwasaaraha cusub uga hoowlgalo qorshooyinka loo dejiyay. -Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale la hadashay Mohamed Abdullahi Farmaajo iyadoo ku qasabtay inuu Ethiopia u saxiixo dhamaan danaheeda Somalia si shacabka Ethiopia loogu muujiyo inuu tilaabooyin wanaagsan horey u qaaday Abiy Ahmed. -Farmaajo ma diidi karo amarka Mareykanka maadama uu heeysto dhalashadda Mareykanka. -Dowladda Mareykanka waxeey dooneysaa iney wiiqdo awoodda iyo siyaasadda Tigreega oo diiday iney China iyo Russia ka saaraan dalka Ethiopia. -Dowladda Saudi Arabia ayaa Madaxweynaha Eretria u sheegtay siyaasadda cusub ee Mareykanka sidaas darteed waxeey ka codsatay inuu aqbalo wada hadal uu la galo Ra'isulwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed. -Eretria oo qiimeeyn ku sameeyn doonto inuu Ra'isulwasaare Ethiopia yahay hogaamiye si madaxbanaan ballamahiisa u fulin doono iyo inuu noqon doono nin lagu adeegto ayaa aqbashay wada hadalka laakiin sharuudaha ay wadato waxaa ka mida. 1- In Magdhaw laga siiyo dadkii faraha badnaay ee dagaalka Ethiopia uga dhintay. 2- in dhulka Eretria ka maqan ay Ethiopia ka tanaasusho. 3- in Lacagta Eretria u taalay bangiyadd Ethiopia dagaalka intuusan bilaaban ka hor loo soo celiyo , magdhawna laga siiyo lacagtoodii sharci daradda lagu xayiray. 4- In Ethiopia qaadato masuuliyadda Wadada Musawac ee gasha dekadda Eretria oo ay miinooyin ka buuxisay. Qodobadda Ethiopia wadato waxaa ka mida:- 1- In Mucaaradka Ethiopia ee Eretria jooga aqbalaan wada hadal ay la furaan Xukumadda Ethiopia . 2- In Eretria joojisid taageeradda hub ee ay siiyaan Mucaaradka South Sudan si loo helo Midnimadda South Sudan. 3- In Eretria ogolaato dhismaha Wabiga Niil oo ay Ethiopia dooneyso iney koronto ka dhaliso. Siyaasadda Mareykanka iyo Ra'isulwasaraha cusub ee Ethiopia waxaa ka soo horjeeda Tigreega,Kooxda Cabdi iley ee DDSI la baxay, Madaxweynaha Canfarta, Madaxweynaha Gambela iyo Madaxweynaha shacuubta Koofureed ee DHABUUB. Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Oramadda waxeey qorsheeynayaan iney ka taqalusaan Madaxweyne Cabdi iley oo heeysta Ciidan lagu qiyaasay 30 , sodon kun ilaa 40 kun oo Askari laakiin qaabka ay rabaan iney uga taqalusaan lamma ogga nuuca uu yahay waloow xeeldheerayaasha qaar qabaan in loo sumeeyn doono sidii Melles Zenawi. Cabdi iley wuxuu hiil u yahay Saraakiisha Tigreega oo u muuqda kuwa xaalka ku xun yahay. Haddii xaalada sii xumaato waxaa suurtagala iney Tigreega iyo Qoowmiyadaha kale ku biiraan Eretria.

Click here to watch

Daawo dood kulul oo ay isku garaaceen dad u dhashay Habargidir,Isaaq iyo Majeerteen halkii laga sugaayey xoreynta Somalia iyo xiisadu heerkeey gaartay

Hits: 6788 | Friday June 22, 2018 - 23:25:38
Majeerteen Habargidir iyo Isaaq ku dhex dagaalay doodii xoreynta Somalia

Click here to watch

Daawo Fadeexo ka dhalatay Wareysigii Mingiste Farmaajo SNTV iyo dareenka shacabka

Hits: 8484 | Thursday June 21, 2018 - 09:06:09
Daawo Shacabka oo si kulul uga jawaabay Wareysigii Farmaajo SNTV ka baahiyay

Click here to watch

Daawo Sirculus qorshaha Mareykanka Emirate ka iyo Ethiopia ee Somalia ku qabsanayaan - Ceyrinta Turkiga iyo Qatar

Hits: 9605 | Tuesday June 19, 2018 - 09:06:00
Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda Emirate-ka Carabta ku qancisay iney seddex Billion oo dollar siiso Dowladda Ethiopia , iyadoo hal Bilyan loogu shubay Bankiga dhexe, laba Bilyan kalena maalgashi lagu sameeyn doono. Mareykanka wuxuu lacagtaas la siiyay Ethiopia ula jeeday in dalka Ethiopia laga saaro dhamaan mashaariicda Dowladda China ka wado maadama la baahi tiray,waana heshiis ay la galeen Ra'isulwasaaraha cusub ee Ethiopia. Emirate-ka waxeey lacagtaas seddexda bilyan ku bixiyeen in dekadaha Somalia oo dhan si dhib yar loogu wareejin doono , in dalka Somalia laga saari doono Dowladaha Turkey,Qatar iyo Iiraan. 1- Abiy Ahmed iyo Farmaajo waxeey ku heshiiyeen in Ethiopia iyo Somalia noqdaan sida United states of America ama United Arab Emirates. 2- In Somalia laga saaro Dowladda Turkey , sidoo kalena xiriirka loo jaro Dowladda Qatar. 3- In afar dekadood lagu wareejiyo dowladda Ethiopia oo ay maalgashi ku sameeysato. 4- In ilaalinta badda Somalia iyo dekadaha lagu wareejiyo Ciidanka badda Ethiopia oo adeegsan doono Shirkad loo bixiyay Ethiopian Shipping and Logistics services enterprise . Wejigga 1-aad ee qorshahii Emirate-ka ayaa u hirgalay, wuxuu Ra'isulwasaaraha Ethiopia todobaadkaan u dhoofayaa dalka Eretria,wuxuuna u xaqiijinayaa iney ka tanaasuleen dhulkii leeysku heeystay sidaas darteedna wuxuu ka codsan doonaa iney la macaamilaan Dowladda Emirate-ka Carabta oo dooneysa in dekadda Asmara lagu wareejiyo. Haddii Madaxweynaha Eretria aqbalo waxaa todobaadka dambe ka degi doono Asmara dhaxalsugaha boqortooyadda Emirate-ka oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tegay Addis Ababa. Emirate-ku waxeey doonayaan iney dekadaha Geeska Afrika la wareegaan si ay u cuuryaamiyaan,sidoo kalena waxeey dagaal xoogan kula jiraan Dowladda Jamhuuriyadda Jibouti. Waxaa yaab in Ethiopia dhul weyn uga tanaasuleyso Eretria halka uu qorshaheedu yahay iney dalweynaha Somalia qaadato. Sikastaba ha ahaatee, Farmaajo iyo kooxdiisa lacag ku filan ayey heleen laakiin waxaan la ogeeyn waxeey fali doonaan dowladaha Turkey,Qatar iyo Iiraan oo lacag iyo gaashaandhig xoogan heeysta. Aan sugno todobaadyadda soo socda inshaa allaah. By Dahir Alasow [email protected]

Click here to watch

Daawo Somalida oo ka carootay heshiiska Khiyaano Qaran ee Farmaajo la galay Ethiopia -dhul -bad iyo dekado

Hits: 7231 | Monday June 18, 2018 - 10:44:39
Daawo Somalida oo ka carootay in Ethiopia la siiyay dekadaha iyo badda Somalia. Saameeynta awoodda badan ee Laaluushka iyo qabyaaladda . 1- Ma aragteen Amiin Caamir oo hal sawir gacmeed ka sameeyay Kooxda Nabar iyo Naxdin inteey gefaf iyo khiyaano Qaran ku kacee ? Sababta waxeey tahay wuxuu bishii Qaataa 10.000$ , sidoo kalena waxaa loo magacaabay gabadh uu Abti u yahay oo laga dhigay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, Gudoomiyaha degmadda Xamar Jajab, Wasiir Cabdi Xoosh iyo xilal kale oo badan. 2- Ma aragteen Horjoogayaashii Qeyladhaan sida Xuseen Shire Ciyaar jecel iyo Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka hadlaya tacadiyada iyo dhulka,badda,dekadaha Soomaaliyeed ee uu Farmaajo u saxiixay Ethiopia ? Shalay waxeey lahaayeen Gabroow adigaa XUKUMO, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif labaduba waa ku heesayeen,waana cambaareeynayeen . sababta ma taqaaniin qabyaalad iyo afkoo loo buuxshay. 3- Bishii la soo dhaafay maku aragteen baraha bulshadda dad Somaliland cambaareeyn la daba taagnaay oo lahaay Ethiopia ayey share ka siiyeen dekadda Berbera , HADABA DADKAAS MAANTA OO AFAR DEKADOOD UU FARMAAJO SIIYAY ETHIOPIA MAXEEY U AAMUSAN YIHIIN ? Qabyaalad iyo Laaluush. 4- Ma aragtay qoraal Ciwaan looga dhigay " ETHIOPIA IYO EMIRATES OO KU FASHILMAY ISKU DIRKA SHACABKA IYO DOWLADDA SOMALIA" ? Qoraalkaan waxaa soo qoray @Abdinur Mohamed Ahmed oo Farmaajo u qaabilsan Warfaafinta ,wuxuuna u dhiibay dhalinyaro uu lacag siiyo bil walba . Sababta maxeey tahay ? iney shacabka careeysan qaldaan oo moowjado aan jirin ku furaan ! Haddaba maxaa looga guuleeysan karaa cadawga iyo jaajuusiinta u shaqeeya. Inaan ku banaanbaxno, in la abaabulo kacdoono sida duufaanta u galaafta kooxda Nabar iyo Naxdin ee Khiyaano Qaran, sidoo kale waxaa muhiima inaan taageero la garab istaagno jabhadda ONLF si Ethiopia godkeeda biyo ugu galaan. Xaqiiqso maanta Ethiopia awood leh ma jirto, waa kala tagtay, waa burburtay,waxeey foolaneysana waa dagaal Sokeeye, waadna maqli doontaan. Yaan la cabsan ee fadlan naftiina iyo maalkiina u hura inaan maanta dalkeena ka difaacno horarka. Afku malable dambe Somali ma aamini doonto FARMAAJO kadib. By Dahir Alasow [email protected]

Click here to watch

Daawo Xogtii shalay Dahir Alasow ku xasuusta muuqaalkaan hoose ee Video-ga. ?

Hits: 12170 | Monday June 18, 2018 - 09:25:23
Daawo Xogtii shalay Dahir Alasow ku xasuusta muuqaalkaan hoose ee Video-ga. ? 1- Farmaajo iyo Ra'isulwasaarahiisa waxeey Ethiopia u saxiixeen iney la wareegto afar dekadood oo kala ah Berbera,Boosaaso, Hobyo iyo Baraawe. 2- Farmaajo iyo Ra'isulwasaarahiisa waxeey Ethiopia u saxiixeen iney Ciidanka Melleteriga Ethiopia la wareegaan Amaanka Villa Somalia, Dekadda Muqdisho iyo Adan Cadde International Airport waxeey sidoo kale u saxiixeen iney 1500 oo Askari geeyaan Baraawe si ay amaanka Shabeelladda hoose ula wareegaan. 3- Farmaajo iyo Ra'isulwasaarahiisa waxeey Ethiopia u saxiixeen iney ilaaladda badda Somalia la wareegaan Ciidanka badda Ethiopia oo dhan 8000 oo Askari, waxeeyna Ciidankaas ku hoowlgelayaan magaca Shirkad loo bixiyay Ethiopian Shipping and Logistics services Enterprise [ELSLE], Shirkadaan waxaa maalgelinteeda leh Emirate-ka Carabta ,waxeeyna ilaalin doontaa afarta dekadood. 4- Farmaajo iyo Ra'isulwasaarahiisa waxaa si hormarisa loo siiyay lacag dhan Laba boqol Milyan dollar taas oo Dowladda Emirate-ka bixisay. lacagtaan waxaa loo siiyay iney ku laaluushaan Odayaasha dhaqanka,Culumadda,dhalinyaradda,siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda haddii ay dareemaan kacdoon dadweyne. 5- Laba sano kadib haddii Farmaajo iyo kooxdiisa ku soo laabtaan kursiga waxeey ballanqaadeen iney ka wada shaqeeynayaan sidii Ethiopia iyo Somalia looga dhigi lahaa hal dal oo xoogleh. 6- Ra'isulwasaaraha Ethiopia wuxuu ballanqaaday inuu Madaxweyneyaasha maamul goboleedyadda dhamaantood hoos geeyn doono Dowladda Farmaajo ee Muqdisho oo qura ka talisa. Heshiiskaan waxaa si toosa farta looga saaray dhaxalsugaha Boqortooyadda Emirate-ka Carabta laakiin isweeydii haddii Ethiopia dalaalnimo lagu siiyay Hal Bilyan oo dollar lana xaqiijiyay in loogu shubay Bankiga dhexe !!! immisa ayaa la siin doonaa Farmaajo iyo kooxdiisa oo bixiyay afar dekadood, badweyn iyo dhul balaaran. Xogtaan oo aan shalay ku sheegay muuqaalkaan hoos yaal , haddii la nool yahay qofkastaba ha keeydsado kadibna aan wada sugno labada bil ee soo socota .

Click here to watch

Daawo Sirculus Ethiopia oo loo saxiixay dekadaha iyo badda Somalia

Hits: 7966 | Sunday June 17, 2018 - 02:28:21
Sirculus Ethiopia oo loo saxiixay dekadaha iyo badda Somalia

Click here to watch

Daawo Doodii xalay isu bedeshay qabyaalad Daarood iyo Hawiye By Dahir Alasow

Hits: 12059 | Thursday June 14, 2018 - 09:10:11
Daawo Doodii xalay isu bedeshay qabyaalad Daarood iyo Hawiye By Dahir Alasow

Click here to watch

DAAWO Doodii ugu kululeeyd ee dadweynaha telefoonka loo furay - shaqaalahii Villa Somalia laga eryay iyo liis dheer

Hits: 7066 | Wednesday June 13, 2018 - 18:13:42
DAAWO Doodii ugu kululeeyd ee dadweynaha telefoonka loo furay - shaqaalahii Villa Somalia laga eryay iyo liis dheer

Click here to watch

Daawo Xamar oo dagaal foolaneysa iyo Banaanbaxa Yurub ee Farmaajo Belgium

Hits: 9889 | Monday June 11, 2018 - 08:07:18
Xamar oo dagaal foolaneysa iyo Banaanbaxa Yurub ee Farmaajo Belgium

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow iyo Wariye Idaajaa maxaa kala qabsaday ?

Hits: 10279 | Sunday June 10, 2018 - 10:42:25
Ogaadeen Daarood miyaa ? Sheekhaal Hawiye miyaa ? Abdinasir Sola Wariye miyaa ? Farmaajo run ma yaqaanaa ? yaa dhiibay Qalbidhagax ? muxuu Dahir Alasow had iyo jeer u jecel yahay Mucaaradnimadda ?

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow oo sirculus kashifay iyo dekadda Muqdisho Ahmed Samoow

Hits: 9402 | Saturday June 09, 2018 - 10:30:25
Daawo Nin Gaaljecela oo guryo qurux badan ka dhistay Canshuurta Dekadda Muqdisho halsano gudahiis iyo heerka musuqmaasuqa gaaray. Shalay markii Farmaajo la dooranaayey shilin ma heeysan maantana waa Tujaar ? Axmad Samoow oo loo magacaabay 20-kii bisha May ee Sannadkii 2017 Madaxa Canshuuraha Dekadda Muqdisho waxaa uu Guri Dabaq ah oo dhowr biyaano ah uu ka dhistay Degmadda Xamar Jajab ee Muqdisho. WAXAANA DABAQAN KU BAXAYSA LACAG KA BADAN 1 MILYAN OO DOLLAR. Samoow oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda sida uu qabo Xeerka Shaqaalaha Rayidka waxa uu noqonayaa qofka Agaasime Waaxeedka ah Mushaarkiisu $1,100 (Kun iyo Boqol Doolar) Gundhiga.com waxay ogaatay in Lacagta ugu badan laga helo Canshuurka Badeecadaha oo loo Canshuuro si aan waafaqsanay Xeerka Canshuurta, Waxaana isku si loo Canshuuraa Kunteenarka uu ku jiro Bagaashka iyo Kan Moobayladu ay ku jiraan, Iyadoo Booliska Illaalinta Canshuuraha ee ay ahayd inay Koontaroolaan Badeecadana ay qayb ka yihiin Musuq Maasuqa, taasoo u fududaynaysa Waaxda Canshuuraha ee Dekadda inaan la ogaan wax is daba marintooda. Gundhiga.com waxay sidoo kale heshay Boonooyin Canshuur oo la been abuuray, kuwaas oo aan ka soo bixin Wasaaradda Maaliyadda, balse uu soo samaystay Madaxa Canshuuraha Dekadda, Axmad Samoow.

Click here to watch

Daawo Wejigabaxii Shirka Baydhabo ee Kooxda Farmaajo iyo madaxda Maamulada ?

Hits: 20424 | Thursday June 07, 2018 - 10:03:07
Topnews:- Wejigabaxii Shirka Baydhabo ee Kooxda Farmaajo iyo madaxda Maamulada ? Hoolkii Shirkii Baydhabo markii la wada galay ayuu Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre gacanta taagay, wuxuuna codsaday inuu shirka iskaga baxo Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Shaakir. Inta aysan hadlin Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayuu si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe oo ku yiri " Sheekh Shaakir waa Ra'isulwasaaraha Galmudug, waana Ra'isulwasaare kula mida , haddii aad rabtid inuu baxo adigana waad baxeeysaa maxaa yeelay Madaxweyne maahid" Kheyre ayaa markiiba istaagay isagoo leh ,sideed iila hadleeysaa Ahmed Madoobe, anigu waxaan ahay Ra'isulwasaaraha Xukumadda Federalka Somalia" Inta uusan Ahmed Madoobe jawaab labaad celin waxaa hadalkii boobay Cabdiweli Gaas oo yiri " Ninkaagaan adigu maxaad mar walba u jeceshahay buuqa,foowdada iyo dagaalka, ma waxaad u sameeysan tahay xasarad, shirkaan si nabadda uga qeybgal haddii kale ka bax hoolka"

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow xog xasaasiya "Qaraxyadda Puntland iyo Khilaafka Galmudug"

Hits: 7966 | Tuesday June 05, 2018 - 23:43:27
Dahir Alasow xog xasaasiya "Qaraxyadda Puntland iyo Khilaafka Galmudug"

Click here to watch

Daawo Saraakiil Farmaajo u xiran oo Majeerteen -Dhulbahante iyo Ogaadeen u dhashay iyo Jirdilka loogu geeystay Xabsiga

Hits: 4508 | Tuesday June 05, 2018 - 05:31:00
Farmaajo Xabsiga dhigay Saraakiil u dhalatay Majeerteen -Ogaadeen iyo Dhulbahante ? Qabyaaladii ugu xumeeyd taariikhda. Waagacusub.com - Saraakiisha beesha Mareexaan ee ka hoowlgasha Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa Xabsi qarsoodiya ku xiray Saraakiil ka shaqeeynaayey Madaxtooyadda 10-kii sano ee la soo dhaafay kuwaas oo u dhashay beelaha Majeerteen ,Ogaadeen iyo Dhulbahante. Saraakiisha Aaminka ah ee la wada yaqaan sida xuna loo jirdilay kadibna Xabsiga loo taxaabay waxaa ka mida Cabdisalaan Geyre Muse oo u dhashay Dhulbahante. Nuur Axmed iyo Nuur Muse Xersi, Nuur Jareer , oo u dhashay Majeerteen Reer Baciidyahan. Labada Sarkaal Waxeey Madaxtooyadda ku soo biireen sanadkii 2007 xilligii Dowladdii Cabdullahi Yusuf,waxeey intaas ka shaqeeynayeen ilaaladda Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha. Labada Sarkaal Maxkamad lamma saarin , qofna looma sheegin ,waa laba Sarkaal oo aamina oo la wada yaqaan waxaana loo xiray oo lagu eedeeyay iney dilli rabeen Farmaajo oo Cabdiweli Gaas u diray. Been abuurka lagu xiray Saraakiisha waxaa bixiyay Saraakiil u dhalatay beesha Mareexaan oo qabyaalad cad ku heeysta labada Sarkaal . Waxaa kale oo jira Askar u dhalatay beelaha Majeerteen,Dhulbahante iyo Ogaadeen oo xalay Xabsi qarsoodiya loo taxaabay inta hubka laga dhigay. Farmaajo iyo Saraakiisha beeshiisa ayaa ku kacaya falalkii ugu xumaay ee qabyaaladeeysan tan iyo maalintii uu kursiga Madaxtooyadda Fariistay.

Click here to watch

Daawo Sirculus Dahir Alasow " Argagixisadda iyo Jeegaanta Somaliland" Vs Puntland Somalia

Hits: 10148 | Sunday June 03, 2018 - 23:48:03
Sida fudud ee dagaalka Maamulka Jeegaanta loo wiiqi karo iyadoo uusan dhiig ku daadan. 1- In leesinka shaqadda lagala laabto Shirkadaha maalgeliyo maamulka Muse Biixi iyo kooxda argagixisadda Al-Shabaab. 2- In Madaxweynaha Puntland qorshahaas ka dhaadhiciyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo shanta maamul goboleed. 3- In Guddi xaqiiqo raadisa oo la hubo ineysan laaluush qaatayaal aheyn loo magacaabo baarista Shirkadaha leesinka lagala laabtay , lugteey ku leeyihiin maalgelinta colaadda Goboladda Sool,Sanaag iyo Nugaal, qaraxyadda Muqdisho iyo Kenya. 4- In shacabka Soomaaliyeed guud ahaan joojiyaan isticmaalka Xawaaladaas iyo Shirkadooda Isgaarsiinta si loogu muujiyo Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed. iyo in la fahmay iney yihiin tujaaral xarbi, dhiig mirato ka macaasha dhiiga shacabka Soomaaliyeed.. 5- In Dowladda Jibouti lagu dacweeyo ganacsade Mohamed Aw Saciid oo ah ninka iska leh Somcable iyo Maalgeliyaha koowaad ee Maamulka Jeegaanta Muse Biixi. Haddii intaas la sameeyo walaahi dagaalka Tukaraq iyo duulaanadda argagixisadda degdeg ayuu u istaagayaa. iyadoo aan dhiig daadana waa laga guuleeysanayaa laakiin haddii rabitaankooda la meelmariyo oo Wakiiladooda looga cabsado iney qabiilo waaweyn ka soo jeedaan dagaalku weligii waa soconayaa, waana dhamaanayaan dadka Soomaaliyeed. Kooxdaan Argagixisadda maalgeliya ee Tukaraq ku qabsaday duulaanka waxeey aqoonsi ku raadinayaan daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ujeedkoodu labaad yahay ineysan weligood Canshuur bixin oo qas iyo foowda ka macaashaan ilaa ay Koofurta Somalia ka dhisayaan maamul iyaga hoos taga. Sababaha ku dhiirigelisay iney argagixisadda ku maalgeliyaan qaraxyadda iyo dilalka, iney dagaal oogayaasha ka dhigaan Madaxweyne maamul waxaa u sababa:- 1- Waxeey aaminsan yihiin in qofkii ka hor yimaado lacag laaluusha siiyaan ,sida Wasiiradda, Taliyeyaasha iyo Madaxweyneyaasha . 2- Degaan walba waxeey u magacaabaan Nin ka dhashay qabiil weyn si uu ganacsigooda ku bulaala dhiigga ummadda u difaacaan. Haddii la doonayo in laga adkaado waa in qofkii lagu arko isagoo laaluush qaadanaya laga qaado tilaabo, waana in leesinadda lagala noqdo guud ahaan si xanuunka loo taabsiiyo.

Click here to watch

Daawo Somtel Dahabshiil sideey u basaasto Telefoonada iyo Facebook-yada Somalida - Kashifaadda Wikileaks

Hits: 5985 | Sunday June 03, 2018 - 07:51:24
Somtel-Dahabshiil Spies Somaliland People - Wikileaks. Somaliland Somtel Dahabshiil Scandal and Violation"Hacking and surveillance may undermine right to privacy" Although I have been always suspicious of government surveillance, I have never expected a private telecommunication company will act as an agent of the government to seek hacking techniques on its behalf. In many occasions I have encountered with individuals complaining about their communication being intercepted. But without any proof, it has never become part of my priorities. Of course, there are always so many issues that make me busy in sorting out when it comes to human rights issues. From freedom of expression and illegal detentions to rights of women, Somaliland has many human rights problems human rights defender should worry about. Recent revelation ofWikileaksshowsDahabshiilowned telecommunication company,Somtel,contactingwith hacking group calledHackingTeamto buy technology "designed to attack, infect and monitor target PCsand Smart-phones in a stealth way, including its location," HachingTeam says in an email addressed to Somtel, as disclosed by Wikileaks . By further explaining the product, HackingTeam adds "once a target is infected, RCS allows you to access a variety of information,including: Skype traffic (VoIP, chat), keystrokes (allUnicode languages), mails, messages,target positioning,files, screenshots, microphone eavesdropped data,camera snapshots, etc."

Click here to watch

Daawo Dahir Alasow "Maxaa ka cusub Siyaasadda? Waa kuma Shariif Sakiin"?

Hits: 8655 | Friday June 01, 2018 - 05:21:04
Daawo Dahir Alasow "Maxaa ka cusub Siyaasadda? Waa kuma Shariif Sakiin"?

Click here to watch